Amnixumada Bosaso oo lagu eedeeyey Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari

1557

Taliyaha  Qaybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen ayaa lagu eedeeyey in uu sabab u yahay Amnixumada Gobolka Bari iyo xaruntiisa Bosaso.

Tadobaad ka hor waxaa la weeraray Saldig Booliis oo ku yaala Magaalada Ganacsiga ee bosaso iyadoo ay Kooxda Al-Shabaab ku gubtay baabuur ciidan. Taliya Qaybta oo uu dhawaan soo magacaabay madaxweyne Cabdiwali Maxamed CaliGaas ayaa wuxuu yahay nin balwadeed aan aqoon mas’uuliyada saaran waxay tahay waana taas tan keentay in Kooxda Al-Shabaab ay heshp dal-dalool ay ka soo gasho Gobolka iyo magaalada Bosaso.

Taliye Cabdixakiim  ayey aad i sugu dhaw yihiin madaxweyne Gaas xaga haybta waana taas sababta kaliya ee uu ku mutaystay in uu noqdo Taliyaha  Qaybta Booliska Gobolka Bari kadib markii qarax ismiidaamin ah lagu dilay 4-Aug. 2014 taliyihii hore ee qeybta booliska gobalka Bari Allaha u naxariistee C/raxmaan Cali Cabaas Muslim..

Puntlandes.com

About The Author