Ma saxbaa in muwaadinku waajibaadka raaco haddii had iyo jeer xuquuqdiisa dastuuriga ah lagu xadgudbayo si sharcidaro ah?

0

Akhristoow waxaa ayaantaan danbe dhageha dadka reer Puntland kubadatay  in ay waajib dastuuri ah tahay in canshuurta labixiyo.  Waxaa taas ugu dambaysay tii maanta uu madaxwayne Gaas kala hadlayey agaasimeyaasha  guud ee Puntland. Ereyada ay warbaahintu kasooxigatay waxaa kamid ahaa in Agaasimayaashu ay canshuuraha soo ururiyaan oo ay si iskumid ah uqaadaan. T aas wuxuu daliil uga dhigtay  Dr Gaas in ay wajib dastuuri ah tahay.

Waa yaabe Agaasime shaqadiisu ma canshuur aruurinbaa? 

Anoo aan taa ku dheeraan, aan usoo noqdo dulucda qormadanydan kusaabsan xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinka.

Sida la og yahay muwaadiniintuna waxay iyana leeyihiin xuquuq lama taabtaan ah. Xuquuqdaas waxay ku caddahay,   Madaxa II, XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO DAMMAANADQAADKA QOFKA waxaana si hufan oo aad looga shaqeeyey qeexaya dastuurka Puntland oo markaa akhrisatid aad amaan iyo kalsooni dareemaysid. Matalan Qodobka 14aad ee dastuurka waxaa kucad siddatan.

  1. Qof kasta xor buu u yahay fikraddiisa waana soo bandhigi karaa. Faafreeb horudhac
  2. Qofku waxa uu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal, saxaafadeed, qoraal, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan.

 

Sidoo kale waxaa Qodobka 18   aad ee dastuurka ku qeexan faqradiis 3 sidatan.

 

  1. Waxaa reebban denbiyada laga galo xaqa nolosha iyo nabadgelyada qofka, sida xasuuq, jirdil, xarig iyo dil aan sharciga waafaqsanayn

 

Qodobka 26 aad, faqraddisa sadexaad wuxuu leeyahay sidatan.

 

3.    Ciqaab aan maxkamadi go’aamin cidna laguma fulin karo.

 

Qodobka 27aad faqradiisa afar wuxuu si hufan u cadaynayaa sidatan.

  1.  Eedeysane kasta waa in 48 saacadood gudahood lagu hor-geeyo maxkamad.

 

Intaa kaliya kuma eka xuquuqda muwaadinka iyo waliba waajibaadka xukuumada  ee waxaa jira kuwo kale oo qeexaya waajibaadka xukuumada kasaaran dhulka, xuddudaha amaanka muwaadinka  iwm.

Madaxwaynaha Puntland

Waxaa yaab leh in ay hadda caado u noqotay in xukuumadu daliishato dastuurka marka dan gaar ah ay leedahay. Siiba madaxwaynaha Puntland aad bay carabkiisa ugu soo noqnoqataa erayga dastuur. Akhirsow waxaad moodaa in uu madaxwaynaha puntland ee xiligaan akhriyey oo kaliya, meelaha tilmaamaya waajibaadka muwaadinka, isagoo tuuray oo ka gooyey dastuurka mel alaale iyo meesha ka hadlaysa xuquuqda.  Waxaad ogtihiin in uu hadda jiraan muwaadiniin uxiran in ay figradahooda cabireen oo kalia.

Wasiirada Gaas badankooda

Waxaad ogtihiin in wasiirada qaar iyaga oo gabay waajibaadkii looga fadhiyey ay hadda galaan shaqo aanay iyagu lahayn iyo hanjabaado loo jeediyo umad dhan. Sida hanjabaadii umadu layaabtay waxay ku salaysand  ee wasiirka caafimaadku ugu hanjebay dad uu ku sheegay in ay katirsanaayeen xukuumadii madaxwayne Faroole, waliba isaga oon bil shaqada joogin. Bal wasiir caafimaad baa dadwayne shiray  ugu hanjabya in ay amniga khatar ku yihiin. Iyadoo la og yahay in isbitaaladii waa waynaa ee puntland ay qarka usaaranyihiin in ay xirmaan ( taasi cadayn iigama baahna sabatoo ah intuba waxay kujiraan saxaafadda Puntland).

Waxaad arkaysaa in qofka muwaadinka ah lagu xadgubo xorriyadiisa, maalkiisa iyo sharaftiisa iyodoo laga faaidaysanyo aqoondarida police:ka iyo tayolaanta ama jiridla aanta  hay,adaha cadaalada sida maxkamadda.

Waxaad arkaysaa in Labadaas hayadoodba ay  soo amrayaan wiilal yaryar oo madaxwaynaha waardie u ah. Amma aan wax shaqo ah xukuumadaba u hayne qaraaba dhaw la ah madaxtooyada.

 

Waa yaabe reerku xaguu kusocdaa?  Waa meesha ay wasaar caafimaad bixinayso ogaysiin dhismo iskuulo (tendor), waa yaabe waa meesha wasaarada cadaaladu talaalkii wado. Waa yaabe waa meesha agaasimayaashii canshuuraha gurayaan. Waa yaabe xaggee wax iska qaban la,yihiin? Waa yaabe hogaaminta Dr Gaas far ku taagan. Waa yaabe Dhulkii udugu khatar buu ku sugan yahay.

195

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *