Baarlamaanka Puntland ma kasoo baxaa Masuuliyaddii shacabka Puntland (Maqaal Kooban)

Golaha Baarlamaanku waa xeer dajiyayaasha, Golaha Baarlamaanku iyagay shacabku u igmadeen in ay Dastuurka dalka illaaliyaan.

Maadaama shacabka Puntland ay samaysteen Dastuur ay danahooda guud ee wadanka ku wada illaashadaan, Golaha wakiilada ama Golaha sharcidajiyaasha, waxaa ay shacabka Puntland u igmadeen in ay qaataan mas-uuliyadda dajinta xeerarka lagu kala hago Puntland.

Inta badan shacabka Puntland iyo kuwa Soomaaliduba waxaad mooddaa 99% in aynan fahansanayn muhiimadda ay leeyahiin Golaha Sharci dajiyaasha iyo xajmiga (the scope) uu le egyahay mas uuliyadda saaran Golaha wakiilada.

Waana sababtaas sababta ay shacabku u dhayalsadaan in ay iska soo xulaan marka lasoo xulayo Golaha wakiilada, wakiilo leh tayo dhamaystiran qadiyad iyo waliba aqoon isla markaasna ka mid ah bulshada kuwa ugu aaminsan.

Inta baddan waxaad arkaysaa in ay shacabku wax walba ka sugaan Madaxwaynaha, isla markaasna wax walba ku eedeeyaan Madaxwaynaha, arrinkaas caado qaldan oo ay shacabku dhaqan ka dhigteen in kasta oo ay aqoon la aan ugu wacantahay.

Madaxwaynuhu waa hal ruux oo kamid ah malaayiinta shacabkaa, haddii aanu helin shacab dalka masuuliyadiisa xil iska wada saara, kaligiis waxba ma qaban karo, waayo ruuxa bini-aadamkaa maalintii wuxuu ku leeyahay 24 saac, 24-kaas saac 12 kamid ah wuxuu u baahanyahay in uu nasto (qofkii aan nasan isagay ka go-antahay caafimaad ahaan), 12-ka soo hara, waxaa ku jira intii uu cuntayn lahaa, labisan lahaa, jaraa-idada akhrisan lahaa, xoogaa iska sheekaysan lahaa oo qoslilahaa, isku soo duub waxa xaasilkaa waa 6-illaaa-7 saac.

Adiguba iska soo qaad maxaad 6-illaa-7 saac ku qaban kartaa, xitaa maxaad ogaan kartaa hadaad dhagadhegaysid waxa dunida ka dhacaya maanta.

Sidaa la ajiligeed ayay dalalka horumaray, ay u sameeyeen nidaamka hoos kadhis kor u dhis, oo ah nidaam masuuliyadda dalka loo qaybinayo shcaabkoo dhan ee aan kor waxwalba laga sugayn in yar oo shacabka ka mid ah.

Akhri maqaal xooggaa si kooban u qeexaya nidaamkaas hoos ka dhis kor u dhis

Hadaanse u soo noqdo ubucda u jeedada maqaalkan ee ahayd Golihii wakiiladda ee shacabka Puntland ay u wakiisheen masuuliyadda baaxaddaas leh, ma gu teen waa jibaadkoodii.

Jawaabta annigu waxaan ku soo koobbi lahaa arragtidayda Golaha Wakiilladu ma aynan gudan haba yaraatee shaqadii shacabku u igmaday.

Waxaad mooddaa Golaha wakiilada in aynan haba yaraatee xitaa wax aqoon ah u lahayn doorka shaqadooda, waayo nidaamka dawligaa iyo qadarinta xeerka iyo dastuurka Puntland ma ahan mid hadda ka hana qaaday Puntland ama ka hirgalay, waxaanad dareemaysaa markaad la sheekaysato shacabka iyo masuuliyiinta in aannuba jirin wax nidaam dastuuriya ah oo shacabka kala haggaa ama aanu wali ka hana qaadin Puntland, ee shacabku ay danahooda qaab xeer dhaqameed ah (Xeer jajajab) ku kala maaraystaan, marka laga reebo nidaam la noocaa nidaamkii jiray xiligii Xukuumaddii Siyaad Barre oo ay wali garwadeen ka yihiin qolooyinkii xiligii Siyaad Barre ku soo hanaqaaday, nidaamkaas oo aan la jaan qaadi karin dastuurka Puntland oo ah dastuur hab dimoqraadiya loo sameeyay.

Arrinkaas eeddeeda waxaa leh Golaha wakiilada oo ay ahayd in ay dajiyaan xeerarkii shacabka kala hagi lahaa, haday noqon lahayd midka degmooyinka ee waliba dhanka maaraynta maaliyadda iyo maamul wanaagga.

Dhanka kale waxaan wali kala xeeraysnayn miisaaniyadda degmooyinka iyo waliba xeerkii kala maarayn lahaa cídda qaadaysa canshuuraha degmooyinka, iyo sida ay canshuuraha Gobalka iyo Degmooyinka iyo Dawladda dhexe u qaybsan lahaayeen miisaaniyadda degmada ka soo xaroota, iyo midda Dawladda Puntland kasoo xaroota, arrinkaas mar aan baaritaan ku sameeyay waxaad mooddaa in aynan Golaha wakiiladu wax nidaama oo shacabka kala haga aynan wali samayn, haday sameeyeenna aynan hirgalin ama shacabka aan la gaarsiin.

Dhanka kale waxaa meesha ka maqan, dhamaan xeerarkii la xiriiray wada xisaabtanka dhanka maaliyadda ama waxa loo yaqaan (Accountability).

Wiil yar oo aan Gaalkacyo kula kulmay ayaa igu yiri gurigayaga waxaa bil kasta laga qaaddaa canshuur baddan, waxaan ku iri way fiicantahay in dadka canshuur laga qaado, wuxuu iigu jawaabay, waa runtaa laakiin kuwa naga qaada ayaa ku qayila, waana sida ay shacabku 99% aamin sanyihiin markaad hoos ula sheekaysato, waana sababta aynan shacabku u jeclayn in ay canshuur dhiibaan, sidaas awgeed canshuurta marka laga qaadayo qori caaradiis baa looga qaaddaa.

Inta badan shacabku waxay eedaha iyo dhaliilaha saaraan Madaxwaynaha waxaana keenaysa aqoon la aanta, laakiin meesha dhaliilaha ugu wayn leh, waa shacabka laftigooda oo dhaliisha ugu wayn leh markaad dhan walba ka eegto haba ugu badnaato aqoon daradu, iyo dhaliisha labaad oo ay tahay in lasaaraa Golaha wakiilada oo aan haba yaraatee gudan shaqadoodii.

Shacabku haday doonayaan in ay calaa aqali jiilasha soo socda mustaqbal hagaagsan u dhisaan, waa in ay il gooniya ku eegaan Golihii wakiilada ee ay soo dhisteen.

Golaha wakiilada ee Puntland 16 sano ayay mushaaraad qaadanayeen, wax xeer ah oo la isku halayn karo dalka uma aynan samayn, ma aynan samayn Maxkamaddii dastuurka, ma aynan samayn wacyi gallin shacabka lagu wacyi galinayo in la fahansiiyo bal qaabka dastuurka dalku u shaqeeyo, halkaan bal inyar dhuux halyayga geesigaa halyay Ilka Xanaf inta jeer ee uu si geesinimo ku dheehantahay shacabka Soomaaliyeed si guud u wacyi galiyay macluumaadka ilka xanaf marwalba waa in il gooniya lagu eego, qadarin gooniya lagu siiyo sida uu shacabka ugu wacyi galiyo qodabada dastuurka

Halkaan waxaad ka dhegeysataa Barnaamij aad ka helayso macluumaad aqoon kororsi dawlad wanaag

Hadaba isku soo duub waa in shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan aad uga feejignaadaan cidda ay u dooranayaan Golaha wakiilada isla markaana marka ay soo xushaan Golaha wakiilada in ay la xisaabtan dhab ah ku sameeyaan, oo waliba in ay shacabku hadda aasasaan ama hirgaliyaan qaabkii lagula xisaabtami lahaa Golaha wakiilada, waayo maba ay jirto cid la xisaabtanta Golaha wakiilada, ama waligaa maqli maysid ruux Golaha wakiilada ka mid ah oo xilkii laga qaaday, waayo maba jirto cid la xisaabtanta, oo meesha waxaa ka maqan nidaamkii Golihii Garsoorka

Halkaan ka akhri maqaal kan muhiimkaa Sidee Doorasho xalaala iyo Hogaan xalaala Puntland looga hirgalinkaraa Qaybtii 5aad (dib u Akhri warbixin muhima)

Waxaa maqaalkan si kooban u diyaariyay
Ibrahin Sh Maxamed Gablax gablax@yahoo.com

About The Author