Daawo Sawiro: Xuguumada Gaas waa Lax walbaahi shilalkay is dhigtaa lagu qalaa

Khaladaadka ugu waaweyn ee ay Puntland ka galeen Kooxda Gaas, waxaa ka mid ah in ay hoos u dhigeen maqaamkii ay Puntland bulshada caalamka ku lahayd xiligii Faroole iyo ixtiraamkii loo hayey Dawladii Puntland ee hada noqotay Diyaaradii Malaysia ee luntay. Wuxuu isu arkaa Gaas gudoomiye Gobol, oo wax kastoo Puntland kusaabsan wuxuu yiraahdaa Xamar ogolaansho halaga soo qaato. Bal eeg  todobaad ka hor bay ahyad markay shirkadii shidaalka ee Red Emperor Resources soo galisey webside keeda in ay shirkadaha ku midoobay qodista shidaalku ka guurayaan puntland sababtoo ah in Gaas ku yiri Xamar soo mara oo ruqsad ka soo qaata, Xamarna ay tiri xira oo meesha ka guura.

Maanta Itoobia waxaa ka qabsaday si xataa dadka caadiga ah oo  rakaabka  wax aan ka qabsan, ileen dadka rakaabka ah Basas baa loo keenaaye. Isaguna inta ka soo lugeeyey runway:ga baa hadana waxaa Airport:ka ku qaabilay oo ku soo dhaweeyey nin sheegta wax uu ugu yeeray  ”Safiirka wareega”!!!!

1562

 

Ku darsoo markuu ka soo duulayey Garoowe wuxuu guul ku tilmaamay nimankii inta soo weeraray Boosaaso oo bartankeeda ku dagaalamayey 2 saac oo inta hawshoodii markay fushadeen iyagoo meesha isaga cararaya baabuurkii si iskiisa u gadoomay. Hadii uusan baabuurku la gadoomi lahayn waxaa la oronlahaa nimankii weerarka geystay meeshay ka baxsadeen. Gaas taas guul buu ku tilmaamay !!!!?????.

Ninka ah Taliyaha booliska Gobolka Bari Gaashaanle sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen wuxuu yiri waxaa la shaqeeya Al-shabaab oo falkii dhacay ka danbeeyey  Ganacsato waaweyn  iyo madax ka tirsan Puntland ????????

Xataa kuwii rabey in ay Soomaaliland ku eedeeyaan oo lacagaha dadka tusayey,  haatan qiil uma haystaan illeen kii booliska Gobolka Bari haystey baa madax dawlada ka tirsan iyo Ganacsato waaweyn oo reer Puntland ah ku eedeeyaye, arag jawaabta Somaliland.

Bal halkan hoose ka fiiri maqaamkay lahayd Puntland xiligii uu haystey Dr Abdiraxmaan Shiikh Axmed oo u barbardhig waxa meesha ka socda,  oo hadana guusha lagu sheegayo.

Arag siday ahayd Puntland Gaas ka hor

1574

1575

1576

1577

1578

1579

1580

1581

1582

Waxaa kuu soo baxaysa in ama dad manakoobiyo ah ay mesheesha joogaan ama dad aan ogayn waxa dhabta ah oo meesha ka jira ogayn oo ilaa kulaylku madaxtooyada ugu yimaado u qaba in Puntland oo dhami ay wada tahay daarta uu ku jiro oo quruxda badan oo xukuumadii ka horeysey dhistay-. Meeshaasoo  sharaabka, cuntada noocba noocda ah  iyo maaweelada qolyaha abwaanada sheegtay ee meesha ka buuxa ay har iyo habeen dhaantada ka wadaan. Oo ku hayaan maaweelada beenta ah ee GUUL WADOW ”SIYAAD” OO HADDA NOQOTAY   ”GAAS” INTA DARBIYADOO DHAN LAGU XARDHAY ISAGOO MASAWIR CAGAARAN FARTA KU TAAGAYA malaha markuu muraayada isku fiiriyana wuxuu arkaa odaykii kacaanka allaha u naxariistee. WAAA CAJAAAAAAIB !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.

Arag meesha uu dhigay Puntland Hogaanka Gaas

1584

1585

1586

1587

1588

1589

1593

 

1106

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

 

 

About The Author