Daawo sawiro: Madaxwynaha Puntland kullan kula qaatay magaalada Addis-Ababa Safiirka Ethiopia u fadhiya Dawladda Britain

Madaxwynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12-2-2015 kullan kula qaatay magaalada Addis-Ababa  Safiirka Ethiopia u fadhiya Dawladda Britain ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika Mr.Gregory Dorey.

Madaxweyne Gaas iyo Mr.Gregory Dorey ayaa kawada hadlay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Puntland, siyaasada, amniga iyo barnaamijyada horumarineed ee hada ka soconaya guud ahaan Gobolada Puntland.

Kullanka ayaa sidookale looga hadlay  xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dawladdaha Puntland iyo Dawladda Britain iyo sidookale iskaashiga amaanka, horumarinta nabadgelyada iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed.

Ugu dambeyn kullankaasi gaarka ah ee u dhaxeeyey Madaxwynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka Ethiopia u fadhiya Britain ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika Mr.Gregory Dorey ayaa ku soo dhammaaday guul.

IMG_6093IMG_6096IMG_6097IMG_6098GAAS IYO SAFIIR INGIRIIS

 

Puntlandes.com

About The Author