Sawiro: Shirkada Ganacsiga IGAR oo Goob Cusub oo labaad ka furtay Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Pes) Xafladan balaaran oo lagu furayey xarunta labaad ee Shirkada IGAR ayaa ka dhacday Goobta cusub ee Shirkada ka furatay magaalada Gaalkacyo  waxaa ka qeybgalay maamulka Dagmada Galkacyo ,Nadadoono ,Ganacsato ,iyo marti sharaf kale.

Xaruntan ayaa laga hirgaliyay dhismaha hotelka Uunlaaye oo ku yaala xero dawaarish waxaana xariga ka jaray Duqa Degmada Galkacyo Cabdicasiis Jaamac Guuleed.

Cabdicasiis Jaamac Guuleed ayaa sheegay in xaruntan Ganacsiga ay qayb ka tahay hormara iyo bilicda magaalada sida Jidadka laamiga ah ee la doonayo in laga hirgaliyo Galkacyo.

Maxamed Axmed Jaamac oo kamida masuuliyiinta xarunta Ganacsiga ee IGAR ayaa sheegay in furitanka xaruntan cusub ay tahay midii saddexaad walow uu sheegay inay ku magacaaban tahay xarunta labaad ee shirka maaddama ay tahay mid balaaran.

 

123456789

Puntlandes.com

About The Author