New-Police oo kusoo wajahan magaalada kismaayo

Sida dhawaan ay shaacisay dowlada Ehiopia waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta dowlada Jubaland kusoo wajahan ciidamo Ethiopian ah oo isugu jira Milatari iyo Boolis, kuwaas oo ka qeyb qaadaan doona howlgalada lagu sugayoamniga.

ciidamadaan ayaa tiradooda lagu sheegay in kabadan 1600-askari, waxaana 700-ka mid ah ay yihiin ciidanka Booliska Kiliilka Shanaad ee dowlada Somalida Ethiopia ee loo yaqaan New-Police, kuwaas oo tababaro iyo khibarad xoogan u leh sugida amniga.

Ciidamadaan ayaa ka qeyb qaadan doono xasilinta Jubaland, hirgalinta doorashoonka Madaxtinimo ee dhawaan la filayo in ay ka dhacaan Jubaland iyo hawlgalada lagu xoreynayo gobolada ka maqaan gacanta dowlada Jubaland.
Xigasho: allidamaale.com

About The Author