Sawiro: Madaxweyne Gaas oo maanta dib ugu laabtay Garowe

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayey safar ugu maqnaa dalka Ethiopia ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13-2-2015 dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland.

Madaxweynaha iyo waftiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, iyo saraakiisha sare ee ciidamada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa warbaahinta qeybaheeda kala duwan shir jaraa’id oo uu kaga warbixinayo safarkii shaqo ee uu dalka dibadiisa ugu maqnaa ugu qabtay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

” Waxaan maanta aad ugu faraxsanahay inaan dib ugu soo laabto dalka aniga iyo waftigaygii dhowrka beri shaqada ugu maqnaa dalka ethiopia ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Howsha aan u maqnayn waxay isugu jirtay laba qeybood, howl waxay aheyd mid la xiriirtay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka oo ay ugu horayso balaarinta dekeda Boosaaso mashaariic la xiriirtay iyo inaanu sii dardargelino barnaamijkii aan wadnay ee ahaa balaarinta ganacsiga Puntland

” Waxaan kaloo aanu u tagnay howlo la xiriira iskaashiga dhanka amaanka iyo iskaashiga nabadgelyo ee ka dhaxeeya Puntland iyo Ethiopia oo ay kamid tahay tababarada ciidamada, Nabadsugida iyo howlo kale oo la xiriira in aanu iska kaashano cadowga runtii dalka dhibta weyn ku haya ”

Madaxweyne Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in meel wanaagsan ay marayso in maalgashi caalami ah laga samaysto Puntland, islamarkaana ay yimaadaan shirkado ganacsi oo waaweyn ku waasi oo ay ka faa’iidaysanayaan shacabka Puntland.
IMG_3795

IMG_3796

IMG_3801

IMG_3816

IMG_3824

IMG_3844

IMG_3854

IMG_3856

Puntlandes.com

 

About The Author