Sawiro: Garowe oo looga diyaargaroobay soo dhawaynta Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka A.Cawale

Maalinta Barri oo Sabti ah waxaa lagu wadaa inuu magalo madaxda Puntland ee Garowe soo gaaro Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka ee Abuukar Cawaale ”Qaaddiid” oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magalada Hargaysa ee Somaliland.

1

Qaban qaabada kulan ballaaran oo lagu soo dhawaynayo ayaa tan iyo shalay ka socotay magalada , iyadoona loo diyaarshay Hadduu Alle Raali ka noqdo soo dhawayn maamuus iyo marxabaynba leh, waxana ka qayb galaya masuuliyiin dowlada ka tirsan, qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka sida Haweenka Puntland, Dhalinyaro iyo bahda Sports-ka iyo Suxufiyiinta Gobalka.

Socdaalka Cawaale ee Puntland ayaa salka ku haya sidii uu kulamo kala gadisan ula yeelan lahaa mamulka sare ee dowladda Puntland iyo qaybaha shacabka, si la isku waydaarsado aragtiyada ku salaysan dhibaatooyinka uu qaadka deegaanka ku hayo, iyadoona la wada og yahay dalalka uu Soomaaliya Qaadka uga yimaado inay daabushaan Malaayiin Doolar sanad kasta.

Qaaddiid ayaa sheegay inaysan ahayn hadafkiisa ugu hareeya in Puntland  hal mar laga joojiyo qaadka balse Manhajka waxbarashada lagu daro casharo ka hadlaya dhibaatooyinka Jaadku ”Qaad” uu lee yahay iyo in loo qorsheeyo goobo ka baxsan magaalooyinka si bulshada kale ee aanan cunin qaadka uga nastaan buuqiisa.

Inta uu ku sugan yahay Puntland waxaa lagu wadaa Abuukar Cawaale inuu gaaro qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn sida Bosaso, Qardho iyo Gaalkacyo.

Sanadkii hore dhamaadkiisa ayay ahayd markii Dowladda Ingriiska uu ku dhawaaqay inuu dalkiisa mamnuuc ka yahay cunista Qaadka iyo ka Ganacsigiisa, iyadoona guushaasi ay Soomaali badani soo dhaweeyeen.

1 2 3 4 10 9 8 7 6 11 12 13 14 15

DHAMAAD.
Xafiiska La-dagalanka Qaadka ee Somaliya.
GAROWE/Puntland

About The Author