Sawiro: Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo gaaray Jabuuti

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Siciid Xasan Shire ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimada dalka Jabuuti, si uu uga qayb galo Aaska Gudoomiyihii Baarlamaanka Jabuuti oo xalay ku geeriyooday dalka Faransiiska.

Wafdiga  Shire  ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jabuuti, Wakiilka Puntland ee dalkaasi iyo Siyaasi Cali Cabdi Awaare.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shire iyo wafdigiisa ayaa waxaa laga yaabaa inay maalmo kale kusii sugnaadaan magalada Jabuuti Aaska ka dib.

Aaska Idiris Arnauud Cali, waxaa kasoo qayb galaya wafdiyo ka socda, DFS, Somaliland,Itoobiya, Kenya iyo masuuliyiin kale.

10877931_882166048506378_2036972448_n 10965458_882165995173050_471522890_n 10966758_882166068506376_1759095787_n 10979251_882166355173014_353362930_n 10979435_882166375173012_984182228_n 10984704_882166405173009_1936774127_n

 

Puntlandes.com

About The Author