Puntland oo sheegay inay dileen 16 kamid ciidamada Alshabaab ee buuraha Galgala

Garowe (Pes) Dowladda Puntland ayaa guul ka gaartay dagaalo  xoogan oo  dhexmaray ciidmada amniga Puntland iyo kooxda Al-shabaab ee Galgalla sida uu sheegay Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Alloore.

Wasiirka Alloore oo shirjaraaa,id ku qabtay xafiiskiisa ayaa  ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, Wuxuuna sheegay inay ciidamada Puntland dileen 16 katirsan ciidanka Alshabab iyo halka ay ka dhaawaceen 26 kale.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay inay Puntland ka dhinteen labo akari iyo ayna ka dhaawacmeen shan Askeri oo kale, isagoo sheegay inuu dagaalkaas ka dhacay deegaano ku yaala buuraha Galgala oo horey Alshabaab looga saaray.

Dhinaca kale Wasiirka Alloore ayaa beeniyey hadal ka soo yeeray Taliyaha Qybta Gobolka Bari Gaashaanle sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen  oo sheegay inay ku xiran yihiin oo ay taageero siiyaan kooxaha falalka amni darada ka wada magaalada Bosaso dhinacyo ay ka mid yihiin ganacsatada waaweyn oo reer Bosaaso ah iyo shaqsiyaad ka mid ah dowlada Puntlands oo uu sheegey inay u sahlaan Kooxda Al Shabaab weerarada ay ka fuliyaan mar mar magaalada Bosaaso.

Puntlandes.com

About The Author