Madaxtooyada Puntland oo Jabisay awood qaybsigii Beelaha ka dib markii ay hawlihii Wasaradaha PL u soo warejisay madaxtoyada

Dhalinyaro ka tirsan ”ISBEDELDOONKA” iminkana ka  shaqeysa xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa bilihii u dambeeyey faraha kula jiray howlo quseeya wasaaradaha Dowlada Puntland, waxayna sababtay taasi isku dhex yaac ku yimaada Haykalkii guud ee Dowladnimada Puntland iyo ku xadgudub awood qaybsigii ay ku heshiiyeen Beelaha Puntland..

1613 1615

 C/qani Faarax Dhaashane oo ka shaqeeya Madaxtooyada kana mid ahaa Kooxdii ”Isbedeldoonka” kuna magacaaban xafiiska Mashaariicda Madaxtooyada ayaa si aan waafaqsanayd sharciga iyo nidaamkii horey looga bartey Puntland waxa uu maalmo ka hor ku baahiyay warbaahinta Internetka dhowr shaqo oo ka banaan Madaxtooyada iyo Xarumaha Wasaaradaha.

Halkan hoose ka akhri Shaqqyinka laga qorayo Madaxtooyada

Office-of-the-President-ToRs-Puntland-2015

Ma ahan Wasaarada ay ”Isbedeldoonku” u soo wareejiyeen Madaxtooyada Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland oo kaliya ee waxay sidaas oo kale u soo rareen Madaxtooyada Wasaaradii ay Mashruuc kaga heli karaan Deeq biyayaasha.

Arintan oo ah mid ku cusub Puntland ayaa dhaawacaysaa dawladnimada Puntland iyadoo abuuraysa Isdhexyaac, waana mid hareer marsan Sharciga iyo Awood qaybsiga reer Puntland ku heshiiyaan.

Puntlandes.com

About The Author