R.W Cabdiwali: “Xildhibaanad Saado waxay ahayd wadinyad ay dadka Soomaaliyeed tabi doonaan”

0

Mogadishu, July 23, 2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed, ka tacsiyeeyey dilka Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo kooxo dhagar-qabayaal ah maanta ku toogteen magaalada Muqdisho.

 

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa falkan ku tilmaamay mid bahalnimo ah oo looga golleeyahay in lagu wax yeelleeyo dowladnimada Soomaaliya. Mudane Cabdiweli ayaa sheegay in kuwa dilkan ka dambeeyey ee gacmaha dhiigga ku leh la dabageli doono ilaa caddaaladda la horkeeno.

 

“Maanta waxaan dhammaanteen ka murugaysanahay dilkan oo ah xadgudub kale oo lagu soo qaaday dowladnimada Soomaaliya. Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan xukuumadda waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay ka dhimatay Xildhibaanad Saado Cali Warsame,Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu ka waraabiyo Janatul Firdowso. ” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sii raaciyey ” Saado Cali Warsame waxay ahayd Xildhibaanad qaran kana mid ah fanaaniinta ay dadka Soomaaliyeed aad u jecelyihiin, isla markaana aan ku xasuusan karno wadaniyad iyo dal jacayl” ayuu yiri RW Cabdiwali oo dhanka kalana sheegay in qof kasta uu dhimanayo, geeriduna ay tahay mid xaq ah. isagoona tilmaamay in ay geeriyootay xili lagu jiro tobankii ugukhayrka badnaa bisha barkaysan ee Ramadaan.

 

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

©2014 Office of the Prime Minister | Mogadishu | Somalia

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *