Waa kuwama Sharwadayaasha uu Dr Gaas ka hadlay ee Gobolka Mudug “Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara” Dhagayso

0

Gaalkacyo (Pes) 8 dii janaayo sanadkan ayuu ku guulaystay mudane Gaas madaxwaeynaha Puntland. Marka laga reebo masuuliyada ka saaran dhamaan reer Puntland oo uu u yahay mas,uulkooda ugu sareeya ee ay u igmadeen in uu danahooda ka shaqeeyo. Hadana Dr Gaas waxa uu ka soo jeedaa Gobolka Mudug oo uu isagu afkiisa ka shegay in uu furin yahay, dhibaatooyin farabadanina ka jiraan, in dowladihii hore ay dayaceen Gobolka iwm.
Soomaalidaa waxay tiraa ”ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara” Dr Gaas iyo hogaamintiisa waxaa tusaale u ah sida uu ugu guuldaraystay Gobolka Mudug. Madaxwayne Gaas markii uu booqasha ku tagay Gobolka Mudug aad bay dadka reer mudug u soo dhaweeyey iyagoo ka filayey waxqabad dhab ah iyo isbedel dhab ah.

Gobolka mudug waa gobol aad iyo aad qani u ah allahna nimco ku manaystay haday noqon lahayd dadkisa waxsooosaarkooda, haday ahaan lahayd xoolo nool, bad iyo beero. Wuxuu leeyahay barwaaqo aan la soo koobi karin.  Una baahan dowladayn iyo isku dubaridid. Una baahan in aan dadka Gobolka la kala qaybin ee la isku soo uruuriyo maxaa yeelay dadku waa walaalo wadajirbaana horumar lagu gaarikaraa waxna lagu qaban karaa.

Tusaale waxaa dowlada ka soo gasha bishii magaalada Gaalkacyo oo kaliya 1300 ooo$ doolar lacag lacag lahu qiyaasay. Haddii lagu daro Gobolkoo dhan maxaad moodaysaa? aaway lacagtaasi?

Hadaba maxaa dhacay?

Isbaarooyinkii yaalay Gobolka mudug waa la wado qaaday. Dadku aad bay ugu hanwaynaayeen Dr Gaas. Waxayna aaaminsayaayeen in uu wax ka qabandoono dhibaatooyinka haysta Gobolka

Maxuu Dr Gaas sameeyey?

Wuxuu hoosta soo gashtay oo heshiis uu markii horeba ka dhexeeyey:
1. Qaswadayaashii Gobolka mudug
2. Dulaaliintii, (Koox odoyaal isku magaaba), Gololka oo awalba dhigay meeshuu Gobolku yaalay
3. Kooxohii ama qabiilooyin ka mid ahaa ” kooxdii isbedeldoonka” ama wax ku darsaday ololihiisii doorashada.
4. Wuxuu ku bixiyey lacag fara badan (lacagtii dadka ka dhaxausay) rabitaanka kooxahaan aan kor ku soo sheegnay

Intaa dabadeed sidee xaal noqday Gobolka?

Isbaarooyinkii waa soo noqdeen. Kala fogaanshihii dadku walaalaha ah ee u baahanaa hogaan fiican waa uu xoogaysrtay. Dowlada dadkii ka filayey isbedelka waa ka aamin baxeen. Dadka ugu badan Gobolka Mudug aaminaad kuma qabaan Dr Gaas sida ay u xaqiijiyeen Puntlandes ilo lagu kalsoon yahay.

Hadaladii maanta 23-07-2014 uu Gaas ka yiri Baarlamaanka Puntland

Waxaa ka mid ah in ay ciidamadiisu xaaqeen Isbaarooyinkii yiilay Gobolka hadana aysan oolin hal Isbaaro. Warkaas waa wax kama jiraan. Waxaa kaloo ka mid ahaa in uu ciidan birmad ah u samaystay wax uu ugu yeeray Sharwadayaal iyo wax ma garato.
Waa yaabe waayo ama yuu ula jeedaa wax ma garatada iyo shaewadaaya uu madaxwaynuhu ku sheegay Gobolkii uu ka soo jeeday?

Halkan ka dhagayso hadalka Dr Gaas.

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *