Xagee ka baxdaa Lacagta faraha badan ee shacabka Mudug Canshuurta u bixiyaan?

Gaalkacyo (Pes) Gobolka Mudug ee Puntland oo ah Gobol baaxad wayn Allahna ku camiray shacab gacan furan dawladnimada ka hormariya wax walba uuna siiyey hanti iyo goobta uu ku yaalo Gobolku oo ah meel (strategic) ganacsi ah. Waxaa intaas u dheer oo Allah ku manaystay Gobolka Mudug khayraad kala duwab sida Xoolo, Beero iyo Kaluunka dhex ceegaaga Badda Gobolka Mudug.

10105

 

Shacabka Gobolka Mudug oo jecel dawladnimad iyo kaladambaynta waxaa laga qaadaa Canshuur aad u farabadan taasoo looga qaado magac dawladeed laakiin ay cunaan Koox gooni ah oo uu hogaamiyo Xisaabiyaha Guud ee Maaliyada Gobalka Mudug ahna Xisaabiyaha ”Idman” GAADAYARE (Boqorka Mudug) uuna ninka labaad ka yahay Mareeyaha Abdulahi Yusuf International Airport Siciid Cabdiraxmaan Yuusuf Dhagaweyne.

 

Waxaa lagu qiyasaaa in shacabka Gobolka Mudug ay Kooxdani ka dhacdo bishii lacag lagu qiyaasay boqolaal kun oo doolar (1000000$) iyadoo lacagtaas in yar ay kaga dhacdo qasnada dawlada Puntland halka ay waxna KOOXDA GAADAYARE laaluush ku bixiyaan inta badana ay iyagu Dhacaan.

1693

 

Shacab waxay Canshuur u bixiyaan in loogu adeego ayna iyaga dib ugu noqoto sida:

  1. Sugida Amniga
  2. Caafimaadka
  3. Waxbarashada
  4. Kaabayaasha dhaqaalaha
  5. Nadaafada
  6. Iyo waxyaalo kale

 

Waxaa mudan in ay iswaydiiyaan shacabka Gobolka Mudug sababta ay Canshuurta u bixiyaan? Ma in Kooxda GAADAYARE qaadato ayey u bixiyaan? Mise waxay u bixiyaan Canshuurta in loogu adeego?

 

 

Waxaa la gaaray xiligii ay dhalinyarada Gobolka Mudug, khaasatan xarunta Gobolka ee Gaalkacyo ay u istaagi lahaayeen danahooda iyo Mustaqbalkooda.

 

Gobolka Mudug sidan ayuu ku jiray oo KOOXDANI ay u Jaqaysa 25 kii sano ee u dambeeyey. Aan iswaydiinee maxay u qabteen Gobolka? Waa waxba!!

 

 

Akhristoow ka fikir: Haddii Gobolka mudug dhaqaalaha ka soo xarooda aan la Musuqmaasuqin oo KOOXDANI boobin sidee ayuu u ekaan lahaa Gobolku maanta? Waxaa wax aan la qaadan karin ah in idaacadaha la iska arko inta ay madaxda Gobolka iyo magaalada Gaalkacyo horyimaadaan ay ku faanaan horumarna ka dhigaan 100000$ (boqol kun doolar) oo shisheeye ku deeqay haddii uusan shisheeyuhu ilaalinayna ay iyadana xadi lahaayeen. Bal iswaydii meeqa boqolaal kun iyo malaayiin doolar ayey cuneen KOOXDA GAADAYSARE? Haddiise intaas la gelin lahaa Gobolka sidee ayuu maanta ahaan lahaa?

 

Madaxweyne Gaas oo reer Mudug ku hanwaynaayeen oo isla haayeen maadaa uu reer Mudug yahay waa u damqandoonaa Gobolka Mudug waa uu fashilmay wax laga sugaana maba jirto oo meeshuu Gobolka masiibada ku habsatay ka dul qaadi lahaa wax uu ka qabtay ilaa iyo iminka maba jirto waxaadna moodaa in uu KOOXDA GAADAYARE Musuqmaasuqa raali kaga yahay.

Puntlandes.com

 

 

About The Author