Daawo Video: Duqa Gaalkacyo oo Maanta dhagaxdhigay Wado Laamiya oo Gaalkacyo yeelanayso

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdicasiis Jaamac Guuleed (Nugaal) ayaa maanta dhagaxdhigay wado laamiya oo dheerarkeedu yahay 1800 mitir waana qayb ka mid ah wadada Durdur ee Gaalkacyo. Munaasabada dhagaxdhiga ayaa waxaa ka qaybgalay Maamulka Gobolka Gudiga joogtada ah ee Golaha Deegaanka ee Degmada Gaalkacyo, Madaxda ka socotay Hay’ada USAID oo Mashruucaan dhaqaalaha ku baxaya bixinaysa, iyo waliba sidoo kale Bulshada Xaafada Wadadu marayso.

Gudoomiye Nugaal ayaa isagoo ka hadlayay Munaasabada dhagaxdhiga waxaa uu sheegay in uu u mahadcelinayo Maraykanka oo ku deeqay wadadan lacagta ku baxaysa.

”waxaan Maanta dhagax dhigaynaa Wadada Durdur qayb kamid ah oo dheerarkeedu yahay 1800 motir oo laamiya taas oo qayb ka noqonaysa Hormarinta Magaalada, waxaana Xaafadaha ka codsanaynaa inay la shaqeeyaan Dadka dhisaya wadada waxaan kaloo codsanaynaa in la dumiyo dhamaan goobaha wadadu kusoo beegmato, amarna waan ku bixinay in wax walba oo hor istaagi kara wadada la dumiyo sida guryaha wadada kujira” Sidaas waxaa Yiri Duqa Magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuuryare oo isna hadal ka jeedinayay Munaasbada dhagaxdhigaya ayaa ku booriyey shirkadii ku guulaysatay Qandaraaska dhisida wadadan in ay shaqadooda u gutaan si wanaagsan.

Qaar kamid ah Dadka Degan Wadada laamigaa ee Xaafada Garsoor maraysa  ayaa soo dhaweeyay Dadaalka Dawlada Hoose ee Gaalkacyo docda kalana waxaa ay balanqaadeen inay la shaqyanayaan maamulka degmada lana duminayo cid kasta oo wadada soo gasha

Puntlandes.com

About The Author