Villa Somalia oo Madaafiic lagu weeraray

1698

Madaafiic ayaa lagu soo weeraray xarunta Villa Somalia ee looga taliyo Dowladda Soomaaliya. Warar madax banaan ayaa sheegaya in hal hoobiye uu ku dhacay meel ku dhaw, Wasaaradda Maaliyadda oo ku dhextaala Madaxtooyada dhuabarka Xafiiska Raysalwasaaraha. Sidoo kale mid kamid ah Hoobiyaasha ayaa ku dhacay meel ku dhaw Safaaradda Jabuuti.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in madaafiicdaasi ay ka dhasheen qasaarooyin , waxaana goob joogayaal noo xaqiijiyeen in hal qof uu madaafiicdaasi uu ku dhintay sidoo kale ay jiraan dad ku dhaawacmay Madaafiicdaasi.

Meelaha kale ee Hoobiyaashu ku dhaceen ayaa ah Ex-Fiora oo ah xaruntii hore ee fanaaniinta iyo 15 May oo ku dhaw Madaxtooyada Villa Somalia.

Dhawaaqa qaraxa Hoobiyaasha ayaa laga maqlaayey dhamaan xaafadaha ku dhaw xarunta Villa Somalia

Waxaa xiran dhamaan waddooyinka taga Villa Somalia.

Idaacadda ku hadasha afka ururka al-Shabaab ee Andulus ayaa sheegtey in Xarakadu ay weerar Mootaro ah ku qaadey xarunta Villa Somalia iyo safaaradaha ku dhaw khasaaro ba’ana ay geysteen.

Waa markii u horeysey iyada oo maalin ah ururka al-Shabaab ay weerar la adeegsanayo gantaalada Motor-ka ay ku weeraraan xarunta Villa Somalia, waxaana ay calamaad u tahay awoodda al-Shabaab ay u leeyihiin weli in ay weeraro badheedh ah ka fuliyaan Muqdisho

Puntlandes.com

About The Author