Falanqaynta Todobaadka Iyo Puntland “Daahrogid Cusub”.

0

Axad 13 ka julay 2014 waxaa wali laga soo qaylinayaa xaalada uu ku sugan yahay Isbitaalka Jaanacada Gaalkacyo/isbitaalka guud ee Gobolka Mudug oo oo qarka u saaran in uu xirmo. halkan ka dhagayso marxalada uu Isbitaaku ku sugan yahay. Ama halkana  ka dhagayso Agaasimaha isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug Maxamed Xusen Adan oo qaylodhaan u direya qurba joogta Puntland ee u dhashay Gobolka Mudug. Sababtuna ay tahay Isbitaalka oon ka helin dhaqaalihii u qoondaysnaa mudada ay jirtay xukuumada Gaas ee ku timid waxa loogu yeeray isbedelka, kaas oo noqday in ay iska daa shaqaale dowladeede, ciidamo ama adeegyadii kale e in Isbitaalkii ugu waynaa Puntland uu yabooha iyo kaalmada bulshada reer Gaalkacyood ama reer Puntland ku socdo. Aaway dowladii ma tamashlayn, dalxiis iyo inay is amaanto ayey ka doorbiday in ay badbaadiso Isbitaalkii ugu waynaa uguna shaqada badnaa iska daa Puntland e Soomaaliya oo dhan.?

Isniin 14 ka julay 2014 boobkii lagu hayey dhulkii puntland Sool kuma ekaane. Dadwaymaha reer Buraan ayaa dhigay banaanbax wayn ooy kaga soo horjeedaan dadka degaankaasi ciidamada Somaliland oo isku fidiyey meelo badan o oka tirsan Gobolka Sanaag faafaahin dheerya riix halkan.

12133

Waxay ku kala duwanyihiin nina shaqadii loo igmaday ama uu u dhaartay buu wadaa nina mid isaga u gooni ah ayuu wataa. Dalkii iyo dadkii uu u dhaartayna danba kama laha.

Gaas ayaa kula kulmay aqalka Madaxtooyada  xiriiriyaha Barnamaajika la dagaalanka dambiyada ka dhaca badaha Geeska Afrika iyo Badweynta Hindiya Mr. Alan Cole iyo ku-xigeenka Barnaamijka UNODC ee Soomaaliya haweenayda lagu magacaabo Francesco ayaa kawada hadley dhibatooyinka dhowaan soo food saarey xabsiga cusub ee ku yaal caasimada Garowe iyo sidii loo badbaadinlahaa xabsiga wayn. Faahfaahin halkan riix.

93

Puntland, dib u eegid dastuurbaa? Waxay shacabka Puntland u rabaan in loo sharaxo ama loo iftiimiyo waxay xukuumada Gaas ula jeedo dib u eegid dastuurka Puntland. Halkan  ka eeg. Sawirka hoosana ka eeg iyadoo jaale ku calaamadaysan.

83

Puntland iyo dastuurkeeduba waxay jireen ka hor DFS ee Xamar. Gaas ma waxuu rabaa ileen baarlamaan la xisaabtama ma arkee in uu Puntland dastuurkeeda bedalo oo ka dhigo gobol iska daaye degmo ka mid ah Xamar. War saanaa Puntland u dambaysay?

Gaas wax ma ka oran karaa qoraalkii uu madaxwayne Xasan u gudbiyey Qarama midoobay ee ka hor imaanayey Low nr 37 ee soo baxay 1972. Xasan oo badeena u xalaalaynaya shisheeyaha. Halkan ka eeg qoraalka Xasan, mid kalena halkan ka eeg. Jawaabtu waa maya, maya, maya.

Haddii aad fiiriso iyadoo meelo badan uu Xasan kaga soo qaatay magaca Somali Republic kaasoo aan ahayn magac sax ah laakiin Xasan ma isagaaba qarsada federaaldiidmada. Aaway Puntland oo tiir iyo tacab waxii ay haysay soo gelisay Federal Republic of Somalia? Gaas baa meeshaa dhiagay oo waxuuba rabaa in uu bedelo dastuurka Puntland oo uu ka saaro qodobada dhibaya Xasan Sheekh.

PLTV ayaa baahiyey iyadoo la soo qabqabtay baabuurta aan bixin canshuurta sadexbiloodlaha ah. Si ay qasab ugu bixiyaan baabuurlaydu. Halkan hoose ka daawo

Qofkasta oo muwaadin reer Puntland ah waa ku waajib in uu canshuurta bixiyo. Laakiin ma xukuumada Gaas ee hawlgabka ah oo tamashleyn iyo dalxiis ka door biday, difaacida dastuurka federaalka ah, difaacida xuduudaha Puntland iyo ku hagida dalka wado sax ah baa canshuur la siiyaa??

109

Khamiis 17 ka julay 2014 waxaa ku qabsoomay  xarunta  madaxtooyada Puntlnad  shirkii khamiislaha ahaa. iyadoo  aan lagu carabaabin ama aan lagu soo qaadin sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka waaweyn ee ka jira Puntland.

108

Sidii caadada u ahayd dowlada Gaas waxay ahayd” bandhig sawireed”  (sawir uunbaa la isga qaadaykobta) nuxurka ama waxa kaliya ee lagu soo qaaday waa dhisida ”hay’adda maalgashiga iyo Horumarinta Puntland” Waxaan soo xusuustay halhays ahaa ”aabow kan yar iga celi aan kan wayn iska celiyee”   ama halhayskii kale ee ahaa ”qowda maqashii oo wax ha u qaban” Todobaadkaan waxaanu soo qaadanaynaa dhamaan warsaxaafadeedkii ka soo baxay shirkii golaha wasiirada Puntland ee asbuucaan. Warsaxaafadeedkii , halkan guji

 

Shirkii dhamaa ee goloha wasiirada waxaa ka soo baxay sadexdan qodob ee hoos ku qoran kaliya.

 

1-  Guud ahaan Amniga Puntland aad  ayuu wacan yahay waxaana howgalo Dawladdu ka wadaa Goboladda waaweyn  ee puntland, si looga hortago khatar kasta oo ka imaanaysa  kooxaha xagjirka ah sida uruka al-shabaab sidoo kale  Dawladdu waxay  guddi u saartay khatarta ka imaan karta kaalimada shidaalka  oo kusoo badanaya gudaha puntland guud ahaan iyo gaar  ahaan Caasimada  oo u keeni karta  khatar naf iyo mid dhaqaale

 

 2- Dawladda  Puntland waxay ka gudubtay marxaladii xaalada Bini’aadaantimada ahayd  waxay u gudubtay marxalada horumarinta iyo maalgashiga sidaa owgeed  waxay Dawladda Puntland Magacowdey (HAY’ADDA MAALGASHIGA IYO HORUMARINTA PUNTLAND)    (Puntland Investment And Development  Authority PIDA)

 

3-  Golaha wuxuu War-bixin ka Dhageystay Gudiga Qabanqaabada Xuska sanad-guurada 16’aad ee dhalashada Dawladda Puntland ee  1-August, Guddigan oo ka kooban sadex Guddi hoosaad ,waxay xuseen in howsha u socoto  si  wanaagsan, munaasabadanina qabsoomayso xiligii loogu talo galay.

 

Waxaa sidoo kale warbixino laga dhegeystay

Wasaaradaha Cadaaladda, Amniga, Shaqada iyo shaqaalaha iyo Maaliyada meesha ay marayso hawsha dib u habaynta iyo reform’ka) guud ee dalka

 

Bal Eeg Weerahan Jawaabta u ah Shirka Xukuumada.

Qodobka koowaad: Amniga puntland marka ay ka hadleen, waxay soo qaateen in ay ”hawlgalo amniga lagu sugayo ka wadaan Gobolada waawayn ee Puntland” waa yaabe ma Garowe iyo Bosaso ayey u qabaan Puntland in ay tahay? Puntland miyeysan ahyn tan maalinba Somaliland cad goosanayso? Miyeysan arin amni ahyn in dadkii Puntland qax iyo barakicin lagu sameeyey? Aaway amnigay sugayaan haddiiba Taleex oo ah degmo xuduud la leh xaruntooda in maalin cad la qabsaday hadana gobol loo magacaabay? Mise ”isbedelku” saanuu amni sugan u yaqaanaa?

 

Qodobka labaad: markay dhinac walba ka seexdeen ama ku guuldaraysteen miyey rabaan in ay sidii caadada u ahyd faan iyo shaqo u abuur saaxiibadii Gaas ee ololaha intii boosasku ka buuxsameen in meel loo xaar-xaaro. Waxa kaliya oon ka aragnay Gaas waa in uu kooxdiisii la baxday ”isbedeldoonka” uu meeleeyo isagoon ka fakarin Puntland ma qaadi kartaa?? Akhriso qoraaladan way kuu soo bixin danta Gaas  halkan guji  iya kan kale halkan guji

Qodobka Sadexaad: Waa kan qobobka uu shirka dhami ku ku saabsanaa, maxaa yeelay xukuumada Gaas waxaynu ku baranay xaflad, tamashlayn, dalxiis iyo faan aan meela jirin. Bal day qiimaha xafladi ay u leedahay waxaa marag kaaga filan shirkii dhamaa ee golaha wasiirada sedex qodob baa lagu soo qaaday oo mid ka mid ah waa xaflad. Waxayna u dhigantaa 33,33 % wixii ka soo baxay shirka.

51

Waxaa ka daadegi la.a shacabka Puntland sadexdan qodob ee ah ”shibirayahow heesa, heesa oo heesa” Maxaa u diiday in ay (real monitoring, replanning and situational Analysis) sameeyaan.

Dhibaatooyinka taagan oo ilaa hada aysan wax ka qaban:

  • Dhulkii Puntland oo laqabsaday
  • Mushahaar aan la bixin
  • Isbitaaladii oo qarka u saaran in ay xirmaan
  • Xabsiga wayn ee Garowe oo qarka u saaran in uu xirmo
  • Adeegii bulshashada oo istaagay ama gaabis ku yimid
  • Hoos u dhac dhaqaalaha oo aad u baaxad wayn oo jira

 

 

Qoraalo ka hadlaya todobaadyadii la soo dhaafay kala soco www.puntlandes.com

 

Gabagabo

 

Sida dhabta ah xukuumada uu hogaamiyo madaxwaeyne Gaas ee la magac baxday afka nool ama xafladjoog loogama fadhiyo in ay qabato hawlihii loo igmaday. Hadaba suaasha ay shacabka reer Puntland iswaydiinayaan waxay tahay Baarlamaankii Puntland mee doorkiisii? Mawaxuu ku qanacsan yahay sida ay dalka u gashay xukuumada uu Gaas hogaaniyaa? Mise maba kala jecla dalkii loo dhaarshay? Oo sheekadoodu waa maxaa iga galay haddii aan mushahaarkayaga helayno?

Yaa yaqaan waxa ay shaqadoodu tahay haddiiba aysan qabsanay wixii dastuuriga ahaa ee dadkii soo xushay ay ku matalayeen? Ma ninbaa Puntland leh mise dadka Puntland?

 

Puntlandes.com

info@puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *