Deg Deg: Taliyihii ilaalada Canshuuraha beriga ee Gobolka Mudug oo lagu dilay Qarax miio

Gaalkacyo (Pes) Waxaa qarax lagu dilay taliyihii Ciidanka Ilaalada kastamka Canshuuraha Beriga ee gobolka Mudug ee Puntland. Sida ay wararka ku heshay Puntlandes, Allaha u naxariistee wuxuu Taliyihu ku geeryooday qarax goor dhow lagula eegtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo maalmihii u dambeeyey Amnixumada ku soo badanaysay iyadoo qaraxyo is xigxiga lagula beegsanayey madaxda dawlada iyo waliba toogasha toos ah.

 

Dad ka agdhawaa goobta qaraxa lagula eegtay Taliyaha ayaa Puntlandes u sheegay in qaraxa lagula eegtay taliyaha meel aan ka fogyan dugsiga Yameyska ee Magaalada Gaalkacyo,waxaana Gaariga uu watay loogu xiray Qaraxa..

 

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xilli Amnixumo iyo khalkhal ay ay ku soo badatay Puntland gaar ahaan magaalooyinka waayayn sida Bosaso iyo Gaalkacyo iyadoo uu daawade ka yahay madaxweynihii loo igmaday in uu masuulka ugu sareeya ka yahay dalka ilaa iyo iminka ma jirto wax uu madaxweyne Gaas ka qabtay Amnixumada ka dilaacday Puntland gaar ahaan labada magaalo ee ugu waayan Puntland ee Bosaso iyo gaalkacyo. Wuxuuna madaxweyne Gaas ka yahay daawade isagoo kuba doodaya in uu ka Horumariyey Puntland xagga Amniga, Dhaqaalaha, Difaaca, Kaabayaasha Dhaqaalaha. Haddii si rasmi ah loo eegana ma jirto wax haba yaraatee uu ku soo saa’idiyey Puntland aan ka ahayn isku dhexyaac iyo Amnixumo iyo in qof kastaahi hawaysto in uu BOOBO Puntland xag Dhuleed iyo xag dhaqaale.

Puntlandes.com

About The Author