Dhagayso: Gug. Xigeenka Gobolka Mudug ”Sidii aanu amniga u sugaynay waxba kama bedalayno”

Maanta ayaa waxaa lagu dilay qarax magaalda Gaalkacyo Taliyihii Ciidanka Ilaalada kastamka Canshuuraha Beriga ee gobolka Mudug AUN Marxuun Duraan Cumar Geele (Qaylo). Hadaba waxaa bilihii u dambeeyey la soo darsay magaalooyinka waawayn ee Puntland sida Bosaso iyo Gaalkacyo Amnixumo baahsan. Iyadoo lagu bartilmeedsaday madaxda dawlada , dagaalo fool ka foolana ayba ka dhaceen, madax badana lagu laayey uuna u dambeeyey kan maanta lagu dilay Gaalkacyo ayaa waxay idaacada VOA oo waraysatay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur Yare maadaama ay ku soo bateen falalka amnixumada waxa ay samaynayaan oo ka bedelan sidii hore ay u shaqayn jireen? Wuxuuna ku jawaabayaa Gud Axmed wax aan ka bedelayno ma leh sidii hore ayaan hawsha u wadaynaa!!!

1680

Masuuliyada Amnixumada Puntland waxaa qaadaya madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ay shacabka Puntland u igmadeen in uu ahaado masuulka difaaca Amnigooda, Dhulkooda, horumariyana dawladnimada iyo Dhaqaalaha laakiin nasiib daro taasi ma dhicin wuuna ku fashilmay Dr Gaas hawshii loo xilsaaray

Dhagayso Biixi oo VOA waraysi siiyey


Puntlandes.com

About The Author