Dhagayso: Wasiirkii dastuurka iyo arimaha Federalka Puntland oo si rasmi ah isaga casishay xilkii wasaaradaasi

Garowe(Pes) Wasiirkii Dastuurka iyo Arrrimaha Federalka Dawladda Puntland Sahro Siciid Nuur ayaa maanta ku dhawaaqday inay xilkeedii si rasmi ah isaga casishay iyadoo isla  maanta xilkii iska wareejisay.

1717

Iscasilaada iyo xilwareejinta Wasiirka ayaa kusoo beegantay xilli ay saxaafada in Khilaaf soo kala dhex galay iyada iyo madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Wasiirada  ayaa go’aansatay in aysan la shaqayn karin madaxweynaha iyo Kooxdiisa ayna iskana casisho xilkeeda.

Wasiirka ayaa waxay beenisay inay jiraan wax raad siyaasadeed ah oo la xiriirka ka tagitaanka wasaaradda dastuurka, waxayna ku micnaysay inay u sababeenayso arrimo iyada ugaar ah oo aysan cid kale la wadaagin.

Waxay sidoo kale sheegtay inay muddo ku dhow bil iyo bar kahor madaxweynaha Puntland u gudbisay warqadeedii shaqo ka tagista, taasoo saxaafadu aad u hadal haysay, laakiin ay ahayd xogo dahsoon oo aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Dhagayso Wasiirkii hore Wasiirkii Dastuurka iyo Arrrimaha Federalka Dawladda Puntland


Puntlandes.com

About The Author