Cabdirashiid Muuse ”Gaasoow marka kowaad Garoowe iyo Puntland wax ka soo qabo”

1735

Madaxweynaha Puntland Mudane Abdiweli Gaas waxa uu Kismaayo u tegay si uu u qariyo fashilka iyo guuldarrada ka haysata Puntland, gaar ahaan Garoowe , waxana uu doonayaa in uu waqti u helo arrimaha qaar oo uu ka so nasto buuqii iyo imtixaankii ka haystay Puntland. Cabdiweli Gaas waxa uu doonayaa in uu soo celiyo isbahaysigii Puntland iyo Jubaland oo halkaa uu taageero ka helo isla markaana ku qariyo dhibaatada ka haysata gudaha.

Jubaland waa Maamul Goboleed kula mid ah, haddii ay baarlaman dhisanayaan iyo haddii ay waxqabsanayaan ama maamulkooda dhamaystiranayaan waxay u taalla dadka degaanka,Maamulka Ku Meelgaarka ah, Dawladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ee gacanta ka geysanayasa. Muxaadiro loogama baahna Kismaanyo iyo in dadka reer Jubaland la baro sida wax loo dhiso, laakiin waan fahmi karnaa ujeedooyinka ku hoos qarsoon socdaalkaaga.

Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ahaa xoogga iyo awoodda isku haysay isbahaysiga Puntland iyo Jubaland, isagoo in badan ku dadaalay sidii dhidibada loogu taagi lahaa maamulkaasi. Inkastoo aan arrimaha qaar lagu midaysnaan karin, hadana waxaa la saadaalin karaa in Mudane Faroole uu lahaa aragti hoggaamineed oo uu ku adkayn karo xiriirkaasi, waxana xusid mudan in markii President Faroole uu taageero hagara la’aan ah la garab joogay Jubland lagu suntay naanaystii “Ciiltire”. Haatan kaalintaasi waa maqan tahay, umana muuqato in Madaxweyne Cabdiweli Gaas uu doorkaasi buuxin karo maxaa yeelay Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa tiisa daryeelaa tu kale ku dara.

Madaxweynaha Puntland waxaa haysta caqabado amni , siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka jira guud ahaan Puntland, waxana taa u wehelisa maamul xumo iyo in aanu maarayn karin dhibaatooyinka, isagoo xilliyadii ugu danbeeyey lumiyey taageerada beelaha iyo shacabka ka dib markii uu ku dhaqaaqay in xukunka iyo awoodda laga sifeeyo dad gaar ah oo iyaga laftigoodu ku tegay meesha qaraabakiil, waxana taasi keentay in ciidamada oo aan mushahar qaadan iyo saraakiishu ay ka gadoodaan xil-ka-qaadista danta gaarka ah laga leeyahay.

Ma jiro hoggaamiye iska safra iyadoo ay dhibaatooyin ka jirto meeshii uu ka talinayey, xilli ay kooxaha argagaxisadu soo qaadayaan weeraro ka dhan ah ciidamada iyo shacabka , markaa ma waxaa hoggaamiyaha la gudboon in uu la dagaal galo shacabkiisa oo ka difaaco argagaxisada iyo duullaamada kale ee kaga iman doono dhinacyo kale, isla markaana uu xalliyo khilaafaadka yar yar ee ka dhasha go’aamadiisa eexda iyo qabyaaladda ku salaysan? Mise waxaa la gudboon in uu iska damaashaado oo iska safro?

Rajo kama qabo maamulka kooxda Cabdiweli Gaas, laakiin waxaan raja weyn oo weyn ka qabaa dadka Puntland oo aan garanayo xilkasnimadooda iyo isu-tanaasulkooda iyo sida ay u midoobaan marka caqabadaha iyo dhibataatadu timaaddo albaabkooda.Xubnaha Baarlamanka, waxgaradka, isimada iyo hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo dhalinyarada ee Puntland waxaa laga gudboon inay Puntland samata bixiyaan si loo gaarsiiyo berri-ammaan, maaddaama caqabado ay inna haystaan oo kuwo kale oo ka khatar badana inaku soo fool leeyihiin. Waxaan ku talinayaa in arrimhaasi loo midoobo sidii wax looga qaban lahaa oo aan lagu fiirsan nin Maraykanka ka yimi oo baasaboor shisheeye wata iyo koox lacag dhacaysa oo aan wax dan iyo lixijeclo ah ka lahayn nolosha dadka reer Puntland iyo jiritaankooda. Sida uu haatanba idiinka safray xilli Puntland u baahan hoggaamiye, ayuu hadhowna idinka dhoofi doonaa oo ku noqon doonaa Maraykanka, maaddaama uu horey u sheegay in isaga iyo qoyskiisu nolol fiican ku haystaan Maraykanka.

Dadka Puntland waxaad ka soo gudubteen dhibaatooyin badan intii burburka Soomaaliya jiray, waxaad og tihiin hoggaamiyayaashii dhibka idinla qaybsaday iyo kuwa haatan ee dalxiiska iyo boobka hantida ku jira ee arrimihiina aan danta ka lahayn oo aan awood iyo karti u lahayn iney idinka difaacaan shirqoolada dibadda iyo weerarada kooxaha sharka iyo argagaxisa iyo weliba duullaanka qaawan ee qolada Soomaalidiidka, xilli aad u baahan tihiin hoggaamiye idin midayn kara, laakiin waxaan idiin sheegayaa Cabdiweli waxa uu idiin tari doono waxaa ka badan waxa aad ku waayi doontaan ee aad ku khasaari doontaan.

1734

W/Q: Cabdirashiid Muuse Siciid

Email: abrashidmuse@gmail.com

Daabacaadii: Puntlandes.com

About The Author