Sawiro: Gudoomiyaha La-dagalanka Qaadka oo booqday Dugsiga sare ee Al-Imaam Al-Shaafici

Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Mudane Abuukar Cawaale (Qaad-diid) ayaa maanta oo Sabti ah booqday Dugsiga sare ee Al-Imaam Al-Shaafici oo ku yaala magalada Bosaso.

Booqashadiisa iskuulkaasi waxaa ku weheliyay masuuliyiin ka socda Mu’asasada Al-Minhaaj iyo Jaamacadda Bariga Africa Bosaso, Qaaddiid ayaa ardayda Dugsiga Al-Imaam kala hadlay dhibaatooyinka qaadka iyo sida loogu baahan yahay in wacyi galinta ka horta qaadka la gaarsiiyo dhammaan goobaha waxbarashada iyo goobaha kale ee ay dadku ku badan yihiin.

Axmed Kiimiko oo ka mid ah macalimiinta Iskuulka Al-Imaam ayaa ka waramay dhibaatooyinka Qaadka, wuxuna sheegay inuu mudo badan cunayay qaadkaasi isla markasna uu kala kulmay xanuuno badan, sidoo kale Kiimiko oo tagay Gobalka Qaadkan laga keeno ee Kenya ayaa sheegay sida uu yahay qaadka iyo marxaladaha kala duwan ee uu soo maro xilliga lasoo jarayo.

Mamulaha qaybta dugsiga sare ee Al-Imaam Ustaad Farxaan Cabdilaahi oo hadal kooban soo jeediyay ayaa ku ammaanay Abuukar Cawaale olalaha wacyi galinta la-dagalanka qaadka ee uu soo gaarsiiay Puntland, wuxuna balan qaaday inay ka qayb qaadan doonaan barnaamijkan oo  baahan in dadku si wagaansan loo wada gaarsiiyo.

Gudoomiye ku xigeenka Al-Minjaah Ciise Siciid ayaa ardayda ku booriyay inay xoojiyeen wacyi galinta la-dagalanka qaadka.

Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale Jaamac ayaa sheegay awooda koowaad ee dalka inay yihiin dhalinyaradda loogana baahan yahay inay muujiyaan siday uga xun yihiin dhaqaalaha faraha badan ee Qaadka kaga baxa, kuwaasoo maalin kasta loo daad-gureeyo dalalka Kenya iyo Itoobiya, wuxuna sheegay inuu sii wadi doono wacyi galintan.

Qaar ka mid ah ardaydda ayaa hab suugaan ah ku cabiray darreenkooda ku aadan waxay ka aaminsan yihiin qaadka, waxay kaloo sheegeen inay taageerayaan Qaaddiid.

Docda kale masaajid-yada magalada Bosaso ayaa khudbadii Salaada Jimce ee shalay waxaa lagu soo qaatay aafooyinka muuqda ee uu Qaadku gaarsiiyay qoysaska Soomaaliyeed, Culimadda ugu caansan Soomaaliya oo qaarkood ku sugan magalada Bosaso ayaa sheegay inay taageersan yihiin olalahan loogana baahan yahay dowladda inay qaybteeda qaadato.
_MG_4397 _MG_4400 IMG_4296 _MG_4364 _MG_4341 _MG_4387 _MG_4393 _MG_4337 _MG_4336 _MG_4334 _MG_4317 _MG_4307 _MG_4302 _MG_4290 _MG_4287 _MG_4274 _MG_4271 _MG_4269 _MG_4258 _MG_4252 _MG_4238 _MG_4228 _MG_4220 _MG_4219 _MG_4214 _MG_4204
Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya.
DHAMMAAD.

 

About The Author