Kooxda BOKO Haram oo sheegay in ay ku biireen ISIL (Daacish)

Kooxda Boko Haram ayaa shaacisey inay si rasmi ah ugu biirtey ururka Daacish ee fadhigiisu yahay dalka Ciraaq. Hooggaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau ayaa farriin cod ah oo internetka lagu baahiyey ku sheegay in ay bayco (heshiis) la galeen Daacish hadda kadibna  si toos ah u hoos tegayaan. Kooxda Daacish waxaa bilihii u dambeeyey ku biirey ururro dhowr ah oo fadhigoodu yahay dalalka Afghanistan, Pakistan, Tunis, Egypt,  Libya iyo Algeria. Boko Haram oo ah urur xagjir ah waxaa la asaasay sanadkii 2002. Magaca Boko Haram wxuuu marka luqada Hausa loo bedelo noqonayaa “tacliinta reer galbeedku waa xaaraan”. Weerarrada Boko Haram, laga soo bilaabo sanadkii 2009 waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad 10,000 oo qof oo rayid u badan, waxaana ku barakacay dad ay tiradoodu kor u dhaafeyso hal milyan oo qof. Kooxda Al-shabaab ee ka jirta Soomaaliya ayaa si weyn loo hadal hayaa inay ku biiri doonto kooxda Daacsih, waxaana jira khilaaf salka ku haya arrintaas oo soo kala dhex galay hoggaanka sare ee Al-shabaab.

Puntlandes.com

About The Author