Daawo Video: Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland oo ku baaqey shir lagu dhiso xukuumad dalka doorasho gaarsiisa

Shalay markii Guddiga Doorashooyinka Somaliland ay soo saareen xilliga ay bilaabayaan diiwaan-gelinta codbixyaashu in ay ka bilaameyso bisha Luuliyo 2015, isla markaana xilliga ay qaadan doonto ay tahay muddo 9 bilood ah laga bilaabo maalinta ay soo saareen go’aankooda oo ku beegneyd 9 maarso 2015.

Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland ayaa wuxuu ka kooban labada Xisbi ee Ucid & Waddani iyo Siyaasiyinta ku midoobey Madal ayaa soo saarey baaq wada jir ah kaas oo ka kooban qodobo dhar ah.

1774

Mucaaradka ayaa ugu horey ka sheekeeyey in xilliga la doonaayey in ay doorashadu dhacdo ay ahayd 26 Juun 2015, si ku talagal ahna Xukuumadda Siilaanyo ay ku qaban wayday doorashooyinka kadib markii wax kasta oo ku xirnaa ay horey u samayn weydey, sidaas darteedna ka hor inta aan xilligii la doortey ka dhamaan Madaxweyne Siilaanyo la isugu yimaado shir Mucaaradka iyo Xukuumadda ah si loo dhiso xukuumad dalka gaarsiisa doorashooyin. Mucaaradka ayaa ka digey in Golaha Guurtida ama aqalka sare ee Somaliland ay isku diyaarinaya in ay xilka u kordhiyaan madaxweyne Siilaanyo taas oo ay sheegeen in ay horseedeyso fawdo dalku galo, Sidoo kale waxay ka digeen Ol-ole Xisbiga talada haye ee Kulmiye wado oo lagu taageerayo Xukuumadda,

Daawo Warsaxaafadeedka Mucaaradka Somaliland

Puntlandes.com

About The Author