Dhageyso-Sawirro: Wasiirka waxbarashada DFS Drs Khadar Bashiir Cali oo lagu soo dhaweeyey Garowe

Wasiirka waxbarashada DFS Drs Khadar Bashiir Cali ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Garowe. ballaaran loogu sameeyay magaalada Garowe.

Iyadoo si aad balaaran loogo soo dhaweeyey wasiirka garoonka diyaaradaha ee Garowe ayaa waxaa ka mid ahaa madaxdii soo dhawaysay Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Cali Xaaji Warsame .

Drs. Khadar Bashiir Cali waxay sheegtay iyadoo saxaafada la hadlaysa inay aad ugu faraxsan tahay safarkeeda ay ku timid Puntland, iyadoo sheegtay inay horey ulasoo shaqeysay wasaaradda waxbarashada Puntland ayna haatan doonayso inay qibrad ka qaato Puntland.

Waxaa kale sheegtay inay ka qeyb galayso wajiga labaad ee dib u eegista qorshihii waxbarasho ee sanadkii hore, kaasoo la qabandoono maalinta axada ee todobaadka soo socda. Waxayna sidoo kale shaacisay inay Puntland u timid sidii wasaaradda waxbarashada Puntlnd tababar usiin lahayd shaqaale katirsan wasaaraddeeda.

WasiirCali Xaaji ayaa dhankiisa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay wasiiradu timaado Puntland oo ay kala qeyb gasho shirkooda ay kaga hadlayaan qorshaha waxbarashada Puntland, wuxuuna sheegay imaatinkeeda inuu kusoo beegmayso xilli ay wasaaraddu qabanayso shir muhiim ah.

Dhageyso wasiir Cali xaaji


Dhageyso wasiir Khadar


width="300"

 width=

 width=

 width=

 width=

 width=

 width=

 width=
Puntlandes.com

About The Author