Sawiro: Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas oo ka qeyb-galay Xafladd lagu daahfurayey xafiiska xaquuqda insaanka Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12-3-2015 ka qeyb-galay Xaflad balaaran oo lagu daahfurayey xafiiska Madaxa banaan ee difaacaha xaquuqda aadanaha Puntland.

Munaasibadaan ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholos Kay, Wasiiro katirsan xukuumada Puntland, Waxgarad, Haween, Dhalinyaro, Arday, Madax ka socotay hay’addaha ka howlgala Puntland iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khdubad ka jeediyey madasha ay ka socotay xaflada ayaa sheegay in xafiiskani uu yahay xafiis muhiim ah kana shaqaynaya ilaalinta xaquuqda aadanaha muwaadiniinta Puntland iyo cidkasta oo Puntland ku nool.

” Xafiiskaan muhiimadiisa waxaa kor uqaadaya xaalada Soomaaliya ku sugan tahay maanta,  wakhti dheer oo dawladda la’aan ah oo dhib badan Soomaaliya ka dhacday oo tacadiyo badan ay Soomaaliya ka dhaceen, xaaladaasina weli si dhab ah Soomaalidu ugama gudbin ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Marka ay sharciyada iyo Dawladnimadu ay dunto dabcan waxaa imaanaya in dad badani ay dhib mutaan, waan garan karnaa dhibta Soomaaliya ka dhacday dad badan baa ku dhintay, dad badan baa xaquuqdooda lagu tuntay ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in Puntland ay ka badbaaday ilaa xad dhibaatooyinkii Soomaalida inteeda kale ku dhacday, waxaana uu taas u sababeeyey in dhulka Puntland yahay dhul nabad ah, inbadan oo Soomaali ahna ay yimaadeen kuna nabad galeen.

” Dadka nugul waan u baahanahay in si gaar ah xaquuqdooda loo ilaaliyo, waana muhiim in si gaar ah looga war qabo, qofkasta oo Puntland ku noolna iyana waa muhiim in xaquuqdooda la ilaaliyo dawladdana waajib ayey ku tahay ” Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale sheegay in xafiiskani yahay xafiiskii ugu horeeyey ee Soomaaliya laga sameeyey, Puntland sharaf weyn ayey u tahay gaar ahaana xukuumada hada jirta oo ku guulaystay taaba gelinta xafiiska Madaxa banaan ee difaacaha xaquuqda aadanaha Puntland.

Gudoomiyaha xafiiska xaquuqda insaanka Puntland Maxamed Yuusuf Cali ayaa xusay in xafiiskani u taagan yahay inuu dhowro ilaaliyana xaquuda aadana Puntland, waxaana uu qiray in hadafkaa lagu gaari karo shacabka reer Puntland oo muujiya dareen xambaarsan muwaadinimo, dulmi diid, tixgeliyana xaqa qofka kale, joojiyaana faquuqa, takoorka iyo dulmiga.

Puntland waxay maanta bog cusub oo horumarineed ka gashay inay hormuud u noqotay hirgelinta xafiiska difaacaha xaquuqda aadanaha Puntland oo aan horay Soomaaliya uga jirin hadana aan kajirin Puntland mooyaane Soomaaliya inteeda kale.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

IMG_0089 IMG_0090 IMG_0092 IMG_0093 IMG_0094 IMG_0113 IMG_0118 IMG_0120 IMG_0123 IMG_0132 IMG_0133 IMG_0141 IMG_0146 IMG_0149 IMG_0151 IMG_0156 IMG_0157 IMG_0158 IMG_0160 IMG_0161 IMG_0165 IMG_0168 IMG_0178 IMG_0180 IMG_0192 IMG_0206 IMG_0207 IMG_0208 IMG_0211 IMG_0218 IMG_0236 IMG_0241 IMG_0256

Puntlandes.com

About The Author