Ma Tahay Reer Puntland, Bad-Baadi Mashruuca Jaamacada Maakhir, La Xiriir Kuwait Fund

1876

Warbaahinta Puntlandes waxa uu Akhristayaashiisa Sharafta badan ka Codsanayaa iney la Xiriiraan Hayada (Kuwait Fund) Oo Maamuleysa Jaamacada Maakhir. Waxaad u qortaaan Email aad Ku sheegeysaan in Mashruucii Dhismaha Jaamacada Maakhir lasiinayo Shirkad Tuuga ah oo ey wataan Kooxo doonaya iney Boobaan Lacagta Jaamacada. Shirkadan oo Magaceedu yahay Consolidating Engineering, Waxaa iska leh Ninka lagu Magacaabo Engineer Maahir, Ninkan Maahir waxa uu La-Taliye Madaxbanaan u yahay Shirkada NARCO oo iyana La Talisa Hayada Kuwait Fund. Hadaba Ku xusa Shirkada Magaceeda oo la Yiraahdo ( Consolidating Engineering) Iney tahay Shirkad Faashil ah oo ey wataan Kooxo Maamulaya Mashruuca uu kamid yahay Eng Maahir oo ka socda Shirkada NARCO. Waxaa sidoo kale u sheegtaan in Mashruucii uu soo galay ( Conflict Of Interest ) Mashruuca Waxaa kaloo u sheegtaan in Shafaafiyadiisu ey luntay. Hadaba Muwaadin Ku xus Email kaaga inaad ka codsaneyso Hayada ( Kuwait Fund ) iney Iyagu Maamulaan oo ey Shirkadan oo aan Dagmada Baran tagin isla-markaana aan sameyn ( Site-Visiting) in la siiyo Mashruuca Dhismaha.
Muwaadin u Hiili Reer Maakhir Iyo Mustaqbalka Caruurteena.
Halkaan kala Xiriir Hayada Kuwait Fund

info@kuwait-fund.org

operations@kuwait-fund.org

kflibrary@kuwait-fund.org

 

About The Author