Daawo mudaharaad ka dhacay caasimada Puntland Garowe oo looga soo horjeeday waxa Xamar ka socda.

0

Garowe (Pes): Waxa maanta ka dhacay caasimada Puntland ee garowe mudaharaad aan cidina soo abaabulin ooy isugu soo baxeen dad aad iyo aad uga caraysan dilalka Xamar loogu gaysanayo xildhibaanada ka soo jeeda Puntland.

Mudaharaadayaashu waxay dalbadeen in ay wasiirada iyo xildhibaanada ka soo jeeda Puntland ka tagaan Xamar si ay uga badbaadaan dilka lala beegsanayo.

 

AUN Xildhibaanad Saado Cali ayaa noqotay xildhibaanadkii ugu dambeeyey ee lagu dilo Xamar ee ka soo jeeda Puntland.

 

Hoos ka daawo (fiiri daqiiqada 3:21)

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *