Akhriso sida loo qaybiyey Xildhibaanada Jubaland ee Gobolada Jubada Dhexe, Gedo iyo Jabada Hoose

Gobalka Jubada dhexe

Gobalka Jubada dhexe oo laga dhigay 4 Degmo middiiba ay heshay 4 Xildhibaan isaga waa la qaybiyey. Gobalka Jubada dhexe wuxuu helayaa 20 Xildhibaan. Waxaana loo qaybiyey sida soo socota:

Degmada Bu’aale:
Absame                  2 xildhibaan
Ajuuraan               1 xildhibaan
Jareerweyne         1 xildhibaan

Degmada Saakow

Digil iyo mirifle    3 xildhibaan
Absame                   1 xildhibaan

Degmada Salagle
Absame                  3 xildhibaan
Digil iyo mirifle   1 xildhibaan

Degmada Jilib
Absame                                  1 xildhibaan
Tunni/Digil iyo mirifle      1 xildhibaan
Sheekhaal                             1 xildhibaan
Jareer weyne                        1 xildhibaan

Gobolka Gedo
Gobolka Gedo waxaa la qaybiyey 2 degmo oo kaliya oo kala ah Garbahaarey iyo Baledxaawo , halka ay dhiman yihiin 4 Degmo. Waxaana loo qaybiyey sidan soo socota:

Degmada Garbahaarey
Sade                               3 xildhibaan
Digil iyo mirifle          1 xildhibaan

Degmada Baledxaawo
Sade                              4 xildhibaan

Gobolka Gedo wuxuu helayaa 24 Xildhibaan.

Gobolka Jubada Hoose

Gobolka Jubada Hoose waxaa la qaybiyey 4 Degmo oo min 4 Xildhibaan ah halka ay wali harsan ytahay Degmada Kismaanyo oo leh Xildhibaanada ugu badan 11. Waxaana loo qaybiyey sida soo socota:

Degmada Jamaame

Kuumada                      1 xildhibaan
Sheekhaal                    1 xildhibaan
Dir                                  1 xildhibaan
Jareerweyn                  1 xildhibaan

Degmada Badhaadhe

Kuumada                            3 xildhibaan
Harti                                    1 xildhibaan

Xagar

Absame     4 xildhibaan

Afmadow

Absame     4 xildhibaan

Gobolka Jubada Hoose wuxuu helayaa 27 Xildhibaan.

Tirada guud ee Xildhibaanada Jubaland ayaa noqonaysa 75 Xildhibaan iyadoo uu madaxweyne Axmed Madoobe 10ka Xildhibaan ee soo haray uu isagu qaybinayo oo ciduu doona siindoono. Ilaa iyo hada waxaa hogaaminaya Beesha Absame.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Puntlandes.com

 

About The Author