Daawo Video: Sheekh Umal “Ninka kursiga ku dhagan waxaan leeyahay kuwaano qaado kuwii kaa horeeyay halkii ay mareen”

07 Mars 2021 (Puntlandes)  Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culumada soomaliyeed ayaa khudbad dheer uu jeedinayay waxa uu kaga hadlay siyaasadda Soomaaliya oo xiligan mareysay meel cakaran isagoo baaq u diray madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday iyo Midowga Musharaxiinta.

Sheekh Umal ayaa si gaar ah kaga hadlay kursi jaceelka, tartanka jagooyinka dalka iyo dhibaatada laga dhaxlo kursi raadintiisa iyo isku dhajintiisa, isagoo sheegay dhibaatada ay Soomaaliya ka soo kabaneyso inuu kursi lagu dagaalamay dhaxalsiisay.

Mar uu sheekha u muuqday inuu si gaar ah ula hadlaya madaxweyaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Farmaajo ayaa waxa uu yiri “ Ninka kursiga ku dhagan waxaan leeyahay kuwaana qaado kuwii kaa horeeyay halkii ay mareen ee Muslim iyo Gaal, oo inbadan aad ogsoontahay, sabab ha u noqon kursiga aad isku dhejineyso darteed hal ruux oo Muslim ah dhiigiisa inuu daato”

Waxa uu Sheekha intaa ku daray hadii uu ku adkeysto isku dhajinta kursiga dambiga ay leedahay “ Waxaan kuu xaqiijinayaa hadaa sabab u noqoto hal ruux oo Muslim ah hadii la xagto iska daa in la dilee, Ilaah hortiisa maalinkaa soo istaagto adoo kaligaa oo qaawan adaa Mas’uuliyadeeda qaadi doona ee ku talagal”

Dhanka kale waxa uu Sheekha Yiri” Hadii Kumanaan Sano laguu daayo Nolosha iyo Kursiga, waxaa xaqiiqo ah iney imaan doonto maalin aad ka tagi doonto ama uu isaga kaa tagi doono, maalinkaasna mas’uuliyadiisa ilaah hortiisa ayey kaaga horeysaa.

“Nin xilkas ah oo Mas’uuliyad iyo culeeskeeda dareemaya, maanta kuma dhag dhago kursi Soomaaliyeed, maanta cidayaha kuma dagaalamo si uu kursiga ugu fadhiyo ama uu u fuulo, laakiim xil baan la garaneynin sidiisaba waxa uu yahay, laakiin waxaa ogaataa kursi iyo nolol ma baaqi ahaato” ayuu yiri Sheekha isagoo uu khudbad u jeedinayay Soomaalida ku nool wadanka Kenya.

Sheekh Umal ayaa intaa kadib ugu baaqay Maxamed Farmaajo inuu kursiga ka Tanaasulo isaga oo yiri” Kursiga umaadan dhalan, kulama dhalan ee Umadda Masaalixdeeda u tanaasul oo uga tag, waxbadan ayaa umadda danaheeda looga tagaa, danahaaga qaaska ayaa looga tagaa”


Puntlandes.com

About The Author