Sawirro: Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kula kulmey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

12 Mars 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya mudane Francisco Madeira.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadley sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka ugu haboon ee xal lagaga gaari karo ismarinwaaga siyaasadeed ee dalka ka taagan, Si ay doorasho wadar ogol ahi dalka uga dhacdo iyo sidii ay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM u sugi lahaayeen goobta uu ka dhacayo shirka loo madlanyahay dhowaan.


Puntlandes.com

About The Author