Xildhibaanada Golaha Shacabka oo lagu wargeliyay inuu jiro berri kulan

28 Mars 2021 (Puntlandes) Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay inay ka soo qeybgalaan kulan berri dhacaya kaasoo loo sheegay ajandayaasha loogaga hadlayo.

Gudoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada maanta u diray in uu jiro Kulanka Golaha, isla markaana ajandayaasha ay yihiin Caabuqa COVID19 iyo u codeyn labada xubnood ee Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha.

Kulankii shalay ee xildhibaanada baarlamaanka ayaa baaqday kadib markii uu hareeyay buuq ka dhashay shaki laga muujiyay ajandaha shirka.

Kulanka berri la qabanayo ayaa waxa uu yahay mid weli laga shakisan yahay in xildhibaanada ay cod u qaadaan muddo kordhin iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanadii mucaaradka ahaa laga joojiyay inay ka soo qeybgalaan shirka.

Kulanka Golaha Shacabka ay Maalinta Berito ah yeelanayaan ayaa waxaa uu noqonayaa mid xasaasi ah oo isha lagu wada haayo, waxaana Xildhibaannada mucaaradka ay sheegayaan in marnaba kulankaas aan laga hor-isaatgi karin inay ka qeyb galaan.

About The Author