Sawirro: Madaxweynayaasha dawlad Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo kulmay

29 Mars 2021 (Puntlandes) Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa ay ku kulmeen hotel ku yaala Xerada Xalane.

Shirka oo ayaa waxaa kasoo qeyb galeen dhamaan Madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle iyo wakiilada beesha caalamka sida Ergeyga gaarka ah ee QM, Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo waliba safiirada Midowga Yurub iyo UK.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah dadaalada lagu doonayo in isfaham laga gaaro khilaafka doorashada dalka waxaana uu shirkan yahay mid beesha caalamka iyo madaxda dowlad goboleedyada ay ku xaqiijinayaan jawi degen in uu ku bilowdo shirka loo ballansan yahay inuu berri ka soo qeybgalo Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in maanta ay la kulmaan madaxda dawlad goboleedyada Ra’iisul Wasaare Rooble iyadoo kulankoodu uu galay maanta maalintii saddexaad.

Madaxweynayaasha Puntland, Jubaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa horey is faham uga gaaray khilaafkii ku xeernaa in qabsoomo shirka guud.


Puntlandes.com

About The Author