Taliye Odowaa oo sheegay ina maydadka Alshabaab ay yaalaaan Bariire iyo Aw-dheegle

03 April 2021 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay jab xooggan gaarsiiyeen dagaalamayaashii Alshabaab ee soo weeraray Aw-dheegle iyo Bariire, halkaasoo waabarigii hore ee saaka uu ka dhacay qaraxyo iyo dagaal culus.

Taliye Odowaa oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Alshabaab meydadkooda uu yaallo Bariire iyo Aw-dheegle lana jebiyay, isla markaana khasaare xooggan la gaarsiiyay.

Saldhigga la weeraray ee Bariire iyo Aw-dheegle ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ahaan Guutooyinka Gorgor iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee Ururka 60aad oo horay deegaanadaas loo geeyay.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa baraha bulshada ay ku leedahay iyana ku sheegtay inay dagaalka ay kaga dishay Ciidanka dowladda illaa 47 askari, kuna furatay saanad ciidan iyo illaa lix gaadiidka dagaalka.

About The Author