Akhriso Wareegtada Saldhigga Booliska Garoonka Diyaaradaha lagu hoos geeyay Taliye Saadaq Joon

03 April 2021 (Puntlandes) Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay wareegtada Saldhigga Booliska Garoonka diyaaradaha lagu hoos geeyay Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir.

Wareegtada oo ku taariikheysan 18 bishii hore ee Maarso ayaa maanta la shaaciyay, kaddib markii Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muddo arrintan ka dhega adeegayay lagu qasbay.

Saldhigga Booliska Garoonka diyaaradaha ayaa ahaa mid madax bannaan, waxaana in xilligan la hoos geeyo Taliska qeybta Guud ee uu xukumo Jen. Saadaq Joon loo arkaa mid lagu soo beegay xilli xasaasi ah oo xaalad cakiran ka taagan tahay doorashada.

Siyaasiyiinta qaar ayaa arrintan ku tilmaamay mid siyaasadeed oo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu doonayo in dano siyaasadeed ku fushado, iyadoo dalka doorasho u socdo.

Garoonka diyaaradaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka jiray dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, iyadoo ay xerada xalane degan yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, sidoo kalena Xarunta Afisyooni uu ka furmay shir u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada.

Puntlandes.com

About The Author