Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabulaahi Farmaajo mudadii uu xilka hayey wuxuu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay sidii uu Puntland u burburin lahaa.
Farmaajo wuxuu Puntland saaray cunaqabatayn dhaqaale, mid Amni, mid horumarineed iyo mid mustaqbal Ardayda Puntland:
Farmaajo wuxuu u muujiyey Puntland cadaawad wuxuuna ku qaaday dagaal qaawan oo dhan walba ah.
Akhristoow soomalidu waxay tiraahdaa ”mayd maxaa u dambeeyey….”, shacabka reer Puntland khaasatan reer Mudug waxay ilaa hadda la yaaban yihiin oo ka degi la inuu farmaajo hor istaagay diidayna inay Garacad ka degto diyaaradii siday maalgashayaal danaynayey in ay wax ku darsadaan dhismaha Dekedda Garacad, kuwaas oo ah dad muslimiin ah oo waloolo ah.
Cabdisiciid Muuse Cali Koor wuxuu ugu magacawnaa Farmaajo intii uu xilka hayey Lataliyaha Amniga, wuxuuna si gaar ah ugu qaabilsanaa fur-furka iyo hagardaamada Puntland, iminka waa musharax Xildhibaan oo wata Farmaajo lacag uu boorsooyin uga soo buuxshay.
Cabdisiciid wuxuu u adeegaa daacadna u yahay Farmaajo, haddii uu noqdo Xildhibaana waa cod uu helay Farmaajo, taas oo aan beesha Cumar Maxamuud, shacabka iyo dawladda Puntland dan u ahayn maxaa yeelay Farmaajo waxaa ka go´ay inuu Puntland burburiyo.
Ummadda reer Puntland shacbi iyo dawladba ma mooga waan ka dheregsan yihiin, ishayna ku hayaan, caadoqaatayaasha sandareertada siistay sharaftooda, dalkooda iyo dadkooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin horjoogayaal usoo xulaya Farmaajo Xildhibaanada uu ku taamayo sida Cabdisiciid Muuse Cali Koor oo walaakiisii soo koriyey Allaha u naxariistee G/Dhaxe Axmed Muuse Cali Koor (Cukur) goor barqo ah lagu toogtay Hargaysa isaga iyo shan sargaal oo kale, halkaan ka arag mawarirka kana akhriso 6dii Sargaal oo sida arxan daro ah loogu toogtay Hargaysa kaliya iyadoo laga anbaqaadayo nacaybka loo qabay qabiilka ay kasoo jeedaan.
RAGOOW DHIIG LAAWAHAAS DHUUNIRAACNIMADA U DHEER TAHAY AYAA HUNGURI KAGA JIRAA INUU REER PUNTLAND KU METALO BAARLAMAANKA FEDERAALKA.
Daawo heestii ”Kii Dhuumanayee dhabarku muuqdee, waa Dharaar lagu dhawrayee dadkaag dhinac ka raaac”
Puntlandes.com