Daawo muuqaal: Dr Gaboose oo ka fariistay Dhakhtarnimada iyo siyaasada

04 April 2021 (Puntlandes) Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04ta April 2021 shaaciyey inuu ka fariistay Dhakhtarnimada iyo siyaasada oo uu kusoo soo jiray ama ka soo shaqaynayey in badan 40 sano.

Dr Gaboose ayaa waxaa uu ahaa dhakhtarka ugu fiican Soomaalida ee dhinaca neerfaha, sidoo kale siyaasadda ayuu ku jiray isagoo  xilal sare ka qabtay xukuumadii AUN Siyaad Barre iyo Somaliland sida:

  • Dhakhtarka gaarka ah ee Maxadaxweynaha Soomaaliya
  • Agaasimaha guud ee Cisbitaalka Digfeer Muqdisho
  • Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya
  • Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dalxiiska Soomaaliya
  • Xilal sare oo uu ka soo qabtay Jamhadii SNM
  • Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland (marar kala duran)

Dr Gaboose ayaa shaaciyey inuu u bayray dhinaca samofalka, ka warqabka caruurtiisa iyo cibaadada oo uu xoogga saari doono hadda kadin haddii Allah idmo.

Dr Gaboose ayaa ah mulkiilaya Cisbitaalka wayn ee Haldoor ee ku yaala magaalada Hargaysa.

Dhinaca kale Dr Gaboose ayaa shaaciyey inuu ku gudojiro qormada buug xambaarsan sooyaalka Dr Gaboose.

 


Puntlandes.com

About The Author