Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka iyo gudoomiyaha maxkamada Gobolka Banaadir oo tirtiray dhamaan dacwadadihii loo haystay wasirkii hore ee Amniga Jubaland.

Filed under: Wararka maanta |

05 April 2021 (Puntlandes) Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka iyo gudoomiyaha maxkamada Gobolka Banaadir ayaa isku raacay in la tirtiro oo meesha laga saaro dhamaan dacwadadihii kala duwanaa ee loo haystay wasirkii hore ee Amniga Jubaland C/rashiid Janan.

Dhawaan markii uu la heshiiyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed cabdulaahi Faraajo ayaa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International qeybteeda Bariga Afrika ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay caddaaladda horgeeyso Cabdirashiid Janan oo maanta la sheegay inuu soo galay gacanta dowladda,  halkan ka akhriso.


Puntlandes.com