Beesha Caalamka oo markale ka codsatay Hoggaamiyaasha Soomaalida inay heshiis gaaraan

06 April 2021 (Puntlandes) Xubnaha beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda dhexe iyo maamulada in ay gaaraan heshiis.

War kasoo baxay xubnaha beesha Caalamka ayaa dowladda dhexe looga dalbaday in doorashada ay ku qabato heshiis iyo Wada ogol.

Iyadoo ay Soomaalidu u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Beesha Caalamigu waxay muujinayaan rajo ah in mabaadi’da aasaasiga ah ee milicsiga, dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

Xuseyna muhiimadda uu leeyahay Shir-madaxeedka la qorsheeyay ee DFS-DXDF, Saaxiibada Caalamku waxay ku boorrinayaan in wada hadalakan ay hormuudka ka tahay Soomaalida isla markaana ay Soomaali leedahay uu horseed u noqon doonto xallinta dhammaan arrimaha taagan iyo in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 Sebtember. Heshiiska noocan oo kale ah, oo astaan u ah midnimada, u damqashada iyo daryeelika dadka kale, wuxuu muujinayaa hoggaan iyo danayn ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxuu u noqon doonaa hadiyad bisha Ramadaan u gaar ah dadka Soomaaliyeed.

About The Author