Shirkii Teendhada Afisiyoooni oo heshiis hordhac ah oo lagu gaaray

07 April 2021 (Puntlandes) Ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhow shirka u dhexeeya Madaxda Dowlad Federalka, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ee uga socda Teendhada Afisyooni ayaa sheegaya in mabdi’iyan la isku raacay in shirka soo socda la ballaariyo.

Heshiiska hordhaca ah ee la gaaray ayaa waxaa ka mid ah in furitaanka shirka soo socda ay ka soo qeyb galaan Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Madaxweynayaashi hore, Ra’iisul Wasaarayaashi, qeybaha kala duwan ee bulshada.

Qodobada laga heshiiyay ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen shuruudo ay hore ugu xireen shirka Madaxweynayaasha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe).

Heshiiskan ayaa imanaya maalin kadib markii ay Beesha Caalamka ay ka codsadeen madaxda Soomaaliya inay heshiis gaaraan, Beesha Caalamka ayaa caadis xoogan saaray madaxwewynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi farmaajo, si dalku u galo doorasho heshiis lagu yahay.

Puntlandes.com

About The Author