Sawiro: Jaaliyada Reer Khalaf ee Sweden oo shir ku yeeshay Magaalaga Gothenburg ee dalka Sweden, Go’aanana ka soo saaray

Waxaa shalay oo taaariikhdu ahayd 04 ta abriil 2015 ka dhacay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden shir balaaran oo ay isugu yimaadeen Waxgarad, Aqoonyahano, Odoyaal, Haween, Dhalinyaro ka soo jeeda jaaliya Beesha reer Khalaf ee Sweden.

  1. Shirkaas wuxuu Ajendihiisu ahaa qodobadan hoose:
  2. Midnimada beesha
  3. Taageerida Mashruuca Horumarinta Bursaalax
  4. Xoojinta midnimada iyo wadanoolaanshaha Beelaha Gobolka Mudug
IMG_0022
Bidix Bashiir A Gaas iyo Gudoomiye Cabdisitaar

Bashiir Abshir Gaas ayaa ahaa xiriiriye Shirka. Kadibna waxaa la akhriyey sidii caadada ahayd aayado Quraan ah ka dibna waxaa lagu soo dhaweeyey oo furay Shirka Aqoonyahan A/Risaaq Warsame Faarax Garwayne isagoo faahfaahiyey Ajendihii Shirka kadibna waxaa uu Bashiir hadalka ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Jaaliyada reer Khalaf ee Sweden A/Sitaar Xasan Jaamac Dhurwaa.

20150404_165202
Gudoomiye Cabdisisaar iyo Gudoomiye Ku Xigeen Istaahil

Godoomiye A/Sitaar waxaa uu soo bandhigay warbixin guud oo ku saabsan shaqadii ay qabteen mudadii ay xilka hayeen gudigiisa oo ka kooban 7 xubnood oo kale ah Godoomiye A/Sitaar, ku xigeen  Istaahil Dhubad Jaamac, xisaabye Asiili A/Risaaq Faruurdheer, xoghaye Saleebaan Bacalwaan Xaaji A/laahi, xubin /Risaaq Warsame Faarax Garwayne, xubin Roodo Sandoon. Waxyaalihii ay ay qabteena gudigu waxaa ka mid ahaa isku xirka Jaaliyada Beesha reer Khalaf oo ay meel aad u fiican gaarsiiyeen iyo iyagoo taageerida bil walba ka sokow ku taageereen Mashruuca Horumarinta Bursaalax lacagaha hoos u qoran:

  • 3000$ doolar loo diray Ceelka Bursaalax julay 2014
  • 2500$ doolar oo lagu taageray Sariirihii Boodhinka agoonta, december 2014
  • 1000$ doolar oo ay ku taageereen qalan c/maad oo lagu qalabayndoono Isbitaalka Bursaalax, 2 da abriil 2015.

Waxaa intaas dabadeed waxa uu Bashiir hadalka siiyey Godoomiye xigeenka Jaaliyada reer Khalaf ee Sweden Istaahil Maxamed Jaamac iyadoo hadalkeeda ku bilowday soo dhawayn ay soo dhawaysay Suxufiga caanka ah, Afhayeenka Dawlada Puntland ee UK Cabdi Axmed Caabi oo jaaliyada kala soo qayb galay shirka. Istaahil ayaa waxay ku dheeraatay in wax badan aynu qabsan karno haddii aynu wada shaqayno.

Dhamaan ka soo qaybgalayaasha waxay amaan balaaran u jeediyeen hawshii wanaagsanayd ee ay Gudigu soo qabteen iyagoo ka codsaday in meeshaas kas ii wadaan. Waxaa xusid mudan in ay odoyaasha kala ah Bashiir Abshir Gaas iyo A/Risaaq Warsame Faarax Garwayne ay kaalin aad u wayn ka soo qaateen caawinta Gudiga iyo isku xirka Jaaliyaba, la’aantoodna ay wax badan qabyo ahaan lahaayeen. Aad ayey u nasiib badan tahay Jaaliyadani in ay haysato labadan oday oo qaaliga ah, aad bayna ugu mahansan yihiin hawsha baaxada leh ee ay u hayaan Jaaliyada.

Waxaa halkaas ka hadlay dad farabadan oo aan qoraal lagu soo koobi karin laakiin ay ka mid ahaayeen Aqoonyahan Mahdi Yusuf Dhuux oo aad ugu dheeraaday arimaha bulshada iyo Siyaasada labadaba, Cabdulaahi Kilinbe hadal aad u qiimo badan oo waxtar ah ka soo jeediyey Shirka. Waxaa kaloo hadalo aad u qiimo badan Shirka ka soo jeediyey Suxufiga caanka ah ahna siyaasiga ruug cadaaga ah Cabdi Axmed Caabi, Waxaa isna halkaas ka soo jeediyey qudbad aad usoo jiidatay kasoo qaybgalayaashii Bashiir Abshir Gaas oo ahaana Xiriiriyaha Shirka. Waxaa xusid mudan in uu Shirka jeediyey Maxamed Cadaawe Farey oo wiil aad u da’yar qudbad aad u qiimo badnayd oo soo jiidatay dhamaan ka soo qaybgalayaasha.

20150404_165101
Cabdirisaaq Garwatne

 

Ugu dambayntii Shirka waxaa soo gabagabeeyey oo hadalka Bashiir siiyey A/Risaaq Warsame Faarax Garwayne isagoo u mahad naqay dhamaan ka soo qaybgalayaasha Shirka, abaabulayaasha shirka iyo Gabdhihii hawsha culus ka qabtay. Garwaeyne ayaa soo dhaweeyey  Cabdi Axmed Caabi oo jaaliyada kala soo qayb galay shirka. Ugu dambayntiina wuxuu Garweyne akhriyey go’aamadii shirka ka soo baxay oo ahaa sidatan hoose:

Dhinaca Horumarka

  1. In aynu ka qayb qaadano Taageerida Mashruuca Horumarinta Bursaalax
  2. In aynu ka qaybqaadano Taageerida Guud ahaan Gobolka Mudug iyo Horumarkiisa.
  3. In taageero dhaqaale mid siyaasadeedba laga meel kasta oo Beesh reer Khalaf degto

 

Dhanka Arimaha Bulshada:

  1. In aynu raadsano waxa Beesha reer Khalaf kaga maqan Gobolka Mudug, Puntland iyo DFS si xushmad iyo sharaf leh.
  2. In aynu ka shaqayno Midnimada Beesha reer Khalaf, tan Cumar Maxamuud iyo tan walaalaha kale ee Gobolka Mudug nala dega.
  3. In aynu ka shaqayno sidii aynu ula xaali lahayn dadka walaalaha ah ee aynu wadadhalanay ee Gobolka aynu wadadegno
  4. In xiriir aynu la samayno dadka kale ee wax naga dhexeeyaan ee Gobolka Mudug kalana kaashano sidii loo xoojin lahaa midnimada dadka walaalaha ah iyo isku soo dhawaynta dadka gobolka Mudug.
  5. In Beesha reer Khalaf ay qaadato doorkeeda siyaasadeed iyo kan Horumarineed ee Soomaaliya iyo dhamaan dhulka ay degto Beeshu

 

Daawo sawiro badan
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

20150404_151951

20150404_151958

20150404_152112

20150404_152258

20150404_152302

20150404_152439

20150404_152446

20150404_152453

20150404_152502

20150404_152527

20150404_152540

20150404_152557a

20150404_152600

20150404_152613

20150404_152617

20150404_152621

20150404_152624

20150404_152631

20150404_163206

20150404_163221

20150404_165044

20150404_165101

20150404_165202

20150404_165206

20150404_165247

20150404_165255

20150404_165316

20150404_165337

20150404_165428

20150404_165437

20150404_165502

20150404_165505

20150404_171011

20150404_171017

20150404_171034

20150404_173742

20150404_173800

20150404_173810

20150404_173817

20150404_173829

20150404_190918

20150404_190922

IMG_0004a

IMG_0017

IMG_0018

IMG_0019

IMG_0020

IMG_0021

IMG_0022

IMG_0023

IMG_0027a

IMG_0032a

IMG_0034a

Puntlandes.com

About The Author