War deg deg ah: Bosaso oo laba meelood laga weeraray, Gud Carmo oo dhaawac Culus soo gaaray

Labo weerar oo isxiga ayaa caawa ka dhacay magaalo xeebeedka Bosaso, labada goobood ee la weeraray ayaa kala ah goob habeenkii ciidamada boolisku gaadiidka ku baaraan iyo guri ku yaalla xaafadda New Bosaso.

Weerarka koowaad ayaa ku  bilowdey bam gacmeed iyadoo markaas ka dibna rasaaasi qaddar daqiiqad ku dhow socotey. Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarkaas, laakiin warar hordhaca ayaa sheegaya in waxyeello soo gaartey dad ku sugnaa goob maqaayad ah oo laga qaxweeyo.

Weerarka labaad oo lagu qaaday Guriga ku yaal xaafadda New Bosaso wuxuuna bartilmaameedkiisu ahaa Gudoomiyaha degmada Carmo Maxamed Cali Shire. Guddoomiyaha ayaa dhaawac culus ka soo gaarey weerarkaas halka labo kamid ah ilaaladiisuna ay ku geeriyoodeen.

Amniga magaalooyinka waawayn ee Puntland gaar ahaan Bosaso iyo Gaalkacyo ayaa waayadii dambe faraha ka sii baxayey iyadoo ay ku guuldaraysatay Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Dr Gaas in ay Amniga shacabka sugto.

Waqtiyadii u dambeeyey Bosaso ayaa caadaysatay in ay Kooxda Al Shabaab weeraro is xigxiga ku soo qaadaan.

Wixii war ee ku soo kordha kala soco Puntlandes.com

About The Author