Mareykanka oo war ka soo saaray isku dhacyadii Muqdisho iyo hanjabaadii cunaqabateynta oo mar kale ku celiyay

27 April 2021 (Puntlandes) Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay inay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyadii rabshadaha watay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, iyagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan oo ay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda.

“Wadahadal iyo is afgarad waa dariiqooyinka kaliya ee lagu xalin karo caqabadaha doorashada, waxaana ku boorineynaa dhinacyada in ay dib u bilaabaan wadahadalada hal mar si loo gaaro wadadii lagu heshiiyey ee horey loogu mari lahaa doorashooyinka degdega ah”ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka.

Sidoo lale waxaa lagu yiri War saxaafadeedka “Sida uu xoghayaha horey u sheegay, Mareykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tixgaliyo dhamaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xaddidaadda fiisaha, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

About The Author