Ciidamada dowlada oo xoog ku galay xarunta Idaacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho

27 April 2021 (Puntlandes) Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka aroortii hore weerar ku qaaday dhismaha ay dagan tahay Idaacadda Mustaqbal oo ka mid ah warbaahinta madaxa banaan ee ugu waaweyn ee ku yaal magaalada Muqdisho.

Maamulka Idaacadda ayaa sheegay in ciidamadu ay qaateen qalabkii idaacadu ku shaqeyneysay halka qaar kalana ay burburiyeen,ayna jirdil u geysteen qaar ka mid ah weriyaasha ka howlgala xarunta idaacadu ku lahayd agagaarka KM4.

“Ciidanka dowladda ee galay xarunteenu waxa ay geysteen Jirdil shaqaalaha qaarkood, Waxa ay qaateen Dhammaan qalabkii Warqabadka, Maamulka iyo Telefishinka. Aad ayaan uga xunahay in ciidanku noola dhaqmay sida dad cadow ah oo si gaar ah loo beegsanayo,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay xafiiska maamulka Radio Mustaqbal.

“Waxa aan codsaneynaa in nalaga qaado ciidanka iyo hubka yaal Albaabka xarunteena oo aan u aragno hanjabaad iyo awood sheegasho! Sabab naloo argagixiyo ma jirto, haddiiba ciidanka oo na difaaci lahaa na dilayo, hantida iyo Qalabkana qaadanayo waa maxay shaqada ay qaban doonaan ee kale?”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay warbaahinta Mustaqbal.

Ma cadda illaa iyo sababta rasmiga ah ee loo beegsaday Idaacadda Mustaqbal, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Soomaaliya.

About The Author