Sawirro: Ciidanka C.I.D ee Puntland oo la wareegay 4 baabuur

30 April 2021 (Puntlandes) Ciidanka C.I.D ee dawladda Puntland ayaa la wareegay 4 baabuur oo loogu talogalay inay ku shaqeeyaan.

Taliyaha Ciidanka C.I.D Puntland col Cismaan c/maneeno Yuusuf ayaa kala wareegay hay`adda UNODC.

Gawaaridaan ayaa ah 4wd hilux modelka 2020, waxaana loogu talagalay in la siiyo afar gobol oo kala ah Mudug, Nugaal, Karkaar iyo Bari si ay C.I.D u qabsato shaqadii loo idmaday.

UNODC ayaa wada shaqeyn buuxda la leh hogaanka baarista danbiyada, kaas oo ah tababar, qalab xafiiseed, iyo gawaariba waana xiriir sii socon doona.


Puntlandes.com

About The Author