Dowlada Federalka oo dalbatay in la bedelo Ergeyga cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

10 May 2021 (Puntlandes) Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa qoraal ay u qortay Midowga Afrika waxay uga dalbatay in la bedelo ergeyga cusub ee dhowaan Midowga Afrika u soo magacaabay dalka Soomaaliya.

Warar usoo dusay saxaafadda ayaa sheegaya in dowlada Soomaaliya ay qoraalkeeda ku sheegtay in aan lagala tashan magacaabista Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama isla markaana aan loo marin nadaamka diblumaasiyada.

Sidoo kale Dowlada Federalka ayaa ku tilmaamtay Ergeyga cusub ee Midowga Afrika magacawday in aanu dhex dhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya, maadaama uu dano ganacsi ku leeyahay dalka Kenya.

Puntlandes.com

About The Author