Daawo Video: Mashruuca Horumarinta Bursaalax iyo Agaasimaha Guud oo ka codsaday madaxweyne Gaas in uu Degmo u aqoonsado Bursaalax

Warbaahinta madaxabanaan ee Puntlandes.com ayaa waxay idiin soo gudbinaysaa warbixin dheer oo ku saabsan Mashruuca Horumarinta Bursaalax. Mashruucaan ayaa dhidibada loo taagay sanadku markuu ahaa 1999 isagoo soo maray marxalado kala duwan.

Wuxuu Mashruucu ka kooban yahay Dugsi hoose, Dugsi Sare, Boodhin ay ku jiraan Agoon, Waxbarashada dadka waawayn, Waxbarasho diini ah, Biyo gelinta iyo biyosiinta magaalada Bursaalax iyo Isbitaal wayn.

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Bursaalax ayaa wuxuu u soo gudbiyey codsi madaxeynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Wuxuuna ka codsaday madaxweyne Gaas in uu Degmo u aqoonsado Bursaalax maxaa yeelay ayuu yiri way u qalantaa waxayna u noqonaysaa tusaale in ay dadka kale ee reer Puntland iyana isku tashadaan.

Daawo warbix ku saabsan Mashruuca Horumarinta Bursaalax

Puntlandes.com

 

About The Author