XOG: Akhriso Beelaha Shirka Kismaayo ka baxay iyo Xulufo Cusub oo Kismaayo ka bilowday

Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaarka ah ee Maamulka Jubbaland waxaa Maanta Shir loogu qabtay Odayaash dhaqanka Beelaha, wuxuuna qorshuhu ahaa in loo sheego Beelwalba Xildhibaanada ay heshay, markii liiskaas uu soo baxay oo Odayaasha dhaqanka loo qaybiyey,waxaa Shirka ka baxay Beelaha Sade,Harti,Biyomaal,Raxanwayn,Gaaljecel iyo Sheekhaal,waxaan duraba Magaalada Kismaayo ka bilawday Shirar gooni gooni ah iyo isxulufaysi cusub.

Wararka aynu ka helayno Kismaanyo ayaa sheegaya in Shirarka Magaalada Kismaayo ka socda ee gooni goonida ah ay yihiin labo qaybood kuwa xawliga ku socda ayaa ah kuwa lagaga soo horjeedo maamulka ee ay qabanayaan beelaha ka diidan qaabka Xildhibaanada loo qaybiyey, waxaana soo baxaysa saadaal ah in Maamulka jubbaland ayna xiligan xakamayn karin Awooda qabaa’ilka diidan habka wax loogu qaybshay Beelaha Jubbaland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Wasiirada Maamulka Jubbaland ay qayb wayn ka qaadayaan shirarka u socda Qabiilada ay ka soo jeedaa, maadaam ay aaminsan yihiin in Beelaha ay ka soo jeedaan lagu yareeyey Xildhibaanada, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Jubbaland Daraawiish ayaa la sheegay in uu qayb wayn ka qaadayo shiararka u socda Beesha Harti, Sidoo Kale Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland Gen.Cabdulaahi Sh Ismaaciil Fartaag ayaa Beesha Sade wax la wada.

Kacdoonka Beesha Harti ayaa ka duwan Kacdoonadii kale, maadaam Beeshu ay horay u tirsanaysa Xadgudubo dhanka xaquuqda ah oo Maamulka Jubbaland u gaysteen, ayna samir badan soo samaysay.

Puntlandes.com

About The Author