Gudoomiyaha gobolka Mudug oo soo dhaweeyey xukunka Maxkamada ciidamu ku riday 17 kamida argagixisadii la soo qabtay
14 June 2021 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa soodhaweeyey Xukunka Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland ay ku riday maanta 17 kamida inka badan 70-meeyo qofood oo loo hayey kiisas la xiriira Argagixisada Alshabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa yiri ” Waxaan Bogaadinayaa Xukunka Dilkaa ee ay Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ku riday 17-kamida in kabadan 70-meeyo qofood oo aanu uqabanay daadintii dhiiga shacabka mudo dhowr iyo toban sanaa ka gaysanayeen Gobolka Mudug oo ay ku xigi doonaan kuwa kale oo horle oo iyaguna dambiyadaaso kale galay.
Gaalkacyo wakhti ay soo madho wakhtigii ugu fiicnaa baanu oran karnaa inay ku jirto maanta sidoo kalena ay ka dhamaadeen Cadowgii mudada 13-ka sanaa hortaagnaa horumarka, Nabada iyo Nolaanshiyaha Shacabka Gobolka Mudug, Bulshada waxaan uga mahadcelinayaa doorka muuqda ee ay ka qaateen la shaqaynta Laamaha Amniga ”
Puntlandes.com